4 caado Maalmeed oo Ka Khatar Badan Nuugista Sigaarka

0

Newyork (Sayruuq)-Nafwaliba  waxay ku dadaasha inta itaalkeed ah ilaalinta caafimaadka iyo ka fogaananta caadooyinka khatarta ku ah caafimaadka sida nuugista sigaar,laakin  haddana ma ogga arrimo fudud oo maalilne loo sameyo inay ka khatar badantahay nuugista sigaarka .

Diraasadda lagu shaaciyey “Business Insider” ayaa sheegay in  dalka Maraykanka dadka sigaar ya cabka ay hoos u dhac ku yimid marka la is barbardhiga waqtiagan iyo waayadi hore oo tusaale ahaan , 42 boqolkiba dadka maraykan waxay nuugi jireen sigaarka  sanadkii 1965 ,halka 2015  ay gaadhay 15 boqolkiba ,laakin haddana runtii caafimaada dadka maraykanku wali khatar buu ku suganyahay  .

Arrimaha la ogaaday ee khatarta badan sida sigaarko kale waxaa ka mid ah “kali jooga” xaaladaasi oo aad ugu badanaysa bulshooyinka horumaray ,kadib markii hoos udhac ku yimid bulshaawinimadii iyo is dhexgalkii bulshadu ,taasina waxay  sabab u ah isticmaalka badan ee  aaladaha iyo social media ha  ,waaxanay keentay in qofkii la noolaado dunnida mala`awaalka ah .

Jolian hot oo ka tirsan jaamacadda Birmingham kuna xeel dheer cilmi nafsiga ,ayaa diraasad uu samaysay waxay xaqiijisay in cimir dagdaga uu sababo sigaarku mid leeg intay sababto kali-noolaanshuhu taasi oo u dhigantaa sidi qof cabay maalintii  15 sigaar ah oo kale.

Waxyaabaha kale lagu ogaaday cilmi baadhis la sameeyay 2014  ,waxaa ka mid ah fadhiga badan ee aad xafiiskaaga ku qaadato in uu keeno xanuuna badan oo ay ka midyihiin xanuunka Kansarka .

Cilmi baadhayaasha ayaa baadhitaankoodaasi ku ogaaday kadib markii ay falaqeeyeen diraasadda hal malyuun oo qof fadhigood lagu sameeyay ,waana in labba sacadood oo dheeri ku ah fadhigaagi maalinlaha ahaa ay sababi karto xanuunka Kanasaradda kala ah:Kansarka Ilma Galeenka ,Kansarka Xiidmaha iyo Kansarka Sambabada, xitta qofkaasi haba ahaado mid jimicisi ciyaareed sameeya .

Xeeldheere ka tirsan Hay`adda Caafimaadka Adduunka Mr Garoof ayaa sannadkii 2015 ka digay ,hurdo kugu filan oo aad qaadan waydo in keento wadana istaaga iyo xanuuunadda wadanaha ,kuwa ay keenan nuugista sigaarku oo kale .

Goobaha ilaalinta iyo ka hortaga xanuunada ee dalaka Maraykanka ayaa sheegaya iyaguna in hurdo kugu filan oo ad qaadan wayada ka mid tahay dhibaatooyinka xannuunka keena ,oo 50 ilaa 70 malyuun oo Maraykan ah ayaa la ildaran dhubaatooyinka hurdo la`aantu keento .

Caadooyinka khatarta caafimaad xambaarsan ayaa waxa sido kale ka mid ah cuntooyinka ay ku badan yihiin saliidu iyo kuwa aadka u macaan ,kuwaasina waxay keenaan ama kaba badanyihiin xanuunada ka dhasha nugista sigaarka .

Diraasadda la sameeyay 2016 waxay tibaaxeen in dhimashada ka timaada cuntooyinka xunxuni iyo kuwa balwadaha sigaarka ,daroogadda ,khamriga iyo jinsiga ahiba ay isla joongo`anyihiin kuwa cuntadda ka yimaadda .

 

Saryruuq News

Xafiiska Hargeysa

contact@sayruuq.com

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.