Maayirka Baligubadle Oo Dhulboob Foolxun Kula Kacay Hantida Danta Guud Iyo Ta Shacabka

0

Baligubadle(Sayruuq)- Maayirka Magaaladda baligubadle Md Cabdi Iiman Jaamac oo ayaa lagu soo eedayneyna dhulboob foolxun oo uu kula kacay hantida danta guud iyo tan shacabka.
Waxa jirta oo aan indhaha laga qarsan Karin in mudooyinkii danbe ay soo baxeysay qaylo ka soo yeedhaysa shicibka oo ku aadan dowlada hoose ee dalka oo hantidii ay umadi laheyd boobaysa, taaso Hunugri Xumo iyo Dabagalaan Baahsani ka jirto Muddooyinkii u Danbeeyey taasina waxaa kaaga markhaatiya Dowlada Hoose Ee Burco oo Iibinaysa Garoonkii Kubadda Kollayg ee sheekh Bashiir.
Hadab maamulka degmada bali gubadle oo masuul uga ah dowlada dhulka danta guud ayaa waxa soo baxdey in mayarka degmada bali gubadle uu noqdey mayarkii ugu dhulboobka badnaa isagoo isku dayey in si badheedha u qaato dhul uu is iskaga leeyahay iskuulka hoose dhexe ee degmada bali gubadle taasi oo noqotey mid u suurtoobi weyday.
Hadab fashilaadka maamul ee ka qabsadey dhulboobkan cadaanka ayaa waxaa layaaba mayarka deyn wayey dhulkii iskuuladu laheen maxa uu deynayaa dhul ay dadweyne uu leeyahay taas jawaabteedu waxay tahay maya mayarka degmada bali gubadle waxa kaloo isku dayey inuu garoonka weyn ee bali gubadle stadyom uu qayb kamidana uu isagu sharciyeystay badhna dadweynaha uu siiyey mayer cabdi iimaan waxa uu baabiiyey dhulkii wadooyinka u ahaa magaalada bali gubadle wadooyinkaas oo ahaa halbowlihii garoonka baligubadle ee ciyaraha markii aanu wax ka weydiinay dadweynaha qaarkood waxay noo sheegeen in uu mayarka iyo xildhibaano kamida golaha deegaankiisu ay qorsheysteen.
baliga
Mayerka degmada bali gubadle dhulboobka danta guud uu sameynayo markii ay gaadhey badhasaabka gobolka howd fadeexad awgeed soo gali kari wayey degmadii uu mayerka ka ahaa taasi oo ah mushkilad aad u layaab badan noqotey.
Hadaba shicibka degmada bali gubadle iyo nawaaxigiisa ku noola oo ay haysato dhibaatooyin ku aadan dhulka oo uu afka isku galinayo shicibka taas oo laga yaabo inuu ka yimaado dilal hor leh oo uu masuul kayahay mayerka degmada bali gubadle.

Hadab musuqmaasuqan dhuleed uu mayarka degmada dowlada hoose ee degmada bali gubadle ku hayo shicibka matahay mid loo dulqaadan karo mise waxa la qabta dowlada hada talada dalka haysa ee kulmiye hadaney taasi jirin wax haka qabato?
Lasoco…………..

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.