Telefishanka Universal Oo La Weerarqy

0

Warar goor dhaw na soo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Booliiska dowladda Soomaaliya weerar ku qaadeen xarunta TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho.

Wariye ka tirsan TV-ga ayaa bartiisa Facebook soo dhigay in ay soo weerareen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya islamarkaana la maqlayo rasaas xoog leh oo ay siweydaarsanayaan ciidamada weerarka soo qaaday iyo ilaalada xarunta.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta weerarka loogu qaaday xarunta TV-ga Universal, hasse ahaatee ciidamada weerarka qaaday ayeey wararku sheegayaan in ay ka tirsan yihiin waaxda canshuuraha.

Source Hiiraan

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.