26/June/2010: Xasuusta Sidii Xarragada Lahayd Ee Aanu Xilkii Doorashada U Gudannay!

0

26/June 1960, waa maalin u suntan ummadda Somaliland meel kasta oo ay joogan. Waa milaygii aynu xorriyadda ka qaaddanay Ingiriiska. Waa kolkii ay majaraha siyaasadeed hayeen ururradii SNL, USP iyo NUF. Waa xilligii il-duufkii qarnigu dhacay, ee aynu si bilaa shuruud ah ku wareejinnay wax ugu wayn wax ay ummadi hannayso, oo ah aayatiin dawladnimo iyo madax-bannaani. Taas aan waa laga dheregsan yahay ee aan u soo laabto 26/June/2010 oo ahayd ayaantii la qabtay doorashada uu ku guuleystay Xisbiga KULMIYE iyo sidii taariikhda gashay ee ay u shaqeeyeen ardayda jaamacaduhu.

Waxa aan ka mid ahaa boqollaal arday oo ka tirsan Jaamacadda Hargeysa oo ka hawl-galay goobihii codaynta ee Gobolka Togdheer. 23/06/2010, abbaaro 05:00tii galabnimo ayay kolonyo basas ah oo ardaydu saaran tahay ay u ambabaxeen dhanka magaalada Burco, halkaas oo aanu gaadhnay saq-badhkii. Waa markii u horreysay ee aan Burco dhaayahayga ku arko, cagahaygana aan Togdheer ku dul tallaabsado. Waxa ay basaski na dhigeen meel caan noo noqotay, waa “SIIROOGA BURCO”. Hal-hays waxa noo noqotay “Halkee ayaad joogtaa?” iyo “SIIROOGII”. Hudheello iyo guryo la seexdo ayaanu gabbalkaa dumay raadsannay.

Subaxnimadii danbe waxa aanu aadnay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Gobolka Togdheer ee Burco iyo Dugsiga Sheekh Bashiir si aanu u hubinno goobaha aanu ku kala qorannahay. Kolkii uu qof kastaaba ogaaday halka uu ka shaqaynayo, waxa ay ardayda badhkood geeddi labaad ku tageen tuulooyin iyo degmooyin ka baxsan Burco, sida Qori-lugud, Qoryaale, Dindinta iwm, oo in ay ka shaqeeyaan biligoodu ku beegay.

Waxa aan ka mid ahaa ardaydii nasiibka u heshay in ay Burco ka shaqeeyaan, goobta la igu qoray oo ahayd Xaafadda Madiina, una diiwaangashanayd Xaafadda Gabooyaha ayaanu galabnimadii 25/June/2011 tagnay si aanu u habnaynno rugta codaynta, waxa noo yimi askartii ilaalada ahayd.

Dadweynaha xaafadduna si maamuus leh ayaa nooga taakuleeyeen nidaaminta rugta codaynta.
Goobta oo dadka ka diiwaan-gashani ay badnaayeen, waxa dadka codaynaya loo kala jebiyay laba qaybood. Xilka aan hayay waxa uu Xog-haye. Markii aan goobta soo galayay ee aan arkay safka dheer iyo boqollaalka qof ee isugaya in aan baadho magacyadooda, suulkana aan u saaro foomka codaynta, sidaasna ay ugu gudbaan marxaladaha kale ee codaynta.

Waxa Aan is-idhi “sidee ayaad muwaaddiniintaa illaa xalay safka ku jiray ugu wada adeegi doontaa, oo ay dhammaantood inta aan wakhtigu dhicin u wada codayn doonaan? Ma iska laabataa meesha hawl baa ka soo fool lehe?”. Calool-adayg waa Alle wehelkii. Shaqadii waxa aanu bilawnay 6dii Subaxnimo, waxa ugu horreyn codeeyay shaqaalihii goobta. 7dii subaxnimona waxa bilaabmay codaynta dadweynaha.

Dadka jilicsan sida waayeelka, ummulaha iyo naafada si gaar ah ayaa loogu oggolaaday codaynta, oo safka ma ay galin. Xog-hayuhu waa ka hubiya magacyada, waa shaqadii ugu adkayd ee doorashada laga qabto. Waayo kumannaan magac ayaad baadhaysaa. Magacyada oo si qaldan loo qoray xilligii diiwaan-galinta ayaa lur badan horseedday. Tusaale ahaan magac qudha ayaa siyaabo kala gaar ah loo qoray, sida CAASHA iyo CASHA. Waxa laga yaabaa in ay boqolaal qof u dhexeeyeen labadaas qof ee isku magaca ah.
Mashquul badanaa!.

Culayska shaqada awgeed waxa aan waayay fursad aan madaxa ku qaado. Alleylehe waxaan hakad 10 daqiiqo ah galnay Salaaddii Duhur, si aanu faralka u tukanno, una qadaynno. Xawaaraha waanu kordhinnay. Hawl fudaydin ayaan baadhista magacyada ku sameeyay. Dadka goobta labaad ku qoran ee noo soo gala, warqad ayaanu siinnay, si aanay saf labaad u gelin. Dad meelo kale iska diiwaan-galiyayna, goobihiinnii ku laabta ayaanu nidhi.Waa dharaartii aan shaqada ugu culus ama adag ee bilaa haleelka ah aan qabtay.

Gacan-fudaydka aanu samaynnay waxa uu sahlay in dhammaan codbixiyeyaasha goobta ka qorani ay codeeyaan, safkina dhammaado abbaaro 04:00 galabnimo, halka goobtii aanu isku dhawayn laga codaynayay illaa bacdal maqrib!. Intaas waxa dheer codadka aanu diiwaan-galinnay waa ay ka badnaayeen goobo badan oo illaa habeenka shaqadu ka socotay. Gefafka naga yimaadda dadka xaafadda deggan oo aan badnayn, dul lagu qaado ayaanu lahayn.

Goobta waxa nagu soo booqday Xuseen Aw Jaamac Jibriil “Xagar”, oo Burco uga shaqeeya Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, magaciisa ma uu noo sheegin. Isaga oo Xagar guddoomiyihii goobtayada waraysi ka qaadaya ayaan codkiisa gartay, waanan salaamay. Xidhitaankii rugtana waxa tirinta codadka na la hubiyay goob-joogayaal Caalami ah oo ka socda dalka Ingiriiska, oo ay hormood ka tahay Marwo Faadumo Siciid Ibraahin. Kolkaas ay Faadumo noo timi ayay shoobaro nagu sameeyeen taageerayaal KULMIYE ahi “Faadumo Siciid waxa aanu u naqaannaa xaas wasiir. In codka lagu shubanayo ayaanu u aragnaa” ayay dhaheen. “Waanu dhaarsannahay ee nagu kalsoonaada. Tirin ayaa socota”. ayaanu nidhi.

Waxa aanu u sheegnay in haddii ay qas sameeyaan uu meesha ka baxayo codka KULMIYE ee ay illaa hiirta u taagnaayeen. Ugu dambayntii waxa aanu gudaha soo gelinnay saddex qof oo UCID, UDUB iyo KULMIYE ah, horena muraaqibiiin ayaa u joogtay. Markii ay arkeen in aanu codka tirinaynno ayay iska baxeen saddexdii qof ee aanu goobjoog ahaanta gudaha u keennay. Marwo Faadumo Siciid Ibraahin oo waagaas siyaasadda ka madax bannaanayd waxa ay tidhi “Waxa aan ogeyn in aan leeyahay xisbi Somaliland la yidhaahdo”. Taas michaneedu waxa weeye ‘ma jirto summad/urur/xisbi iiga hooseeya Somailand oo aan u raacsanahay”

Codadkii ka soo baxay Goobtaas oo dhammaa 555 cod, waxa ay natiijadoodu noqotay ugu dhawaan sidan
Kulmiye: 445 Cod
路 UDUB: 83 cod
路 UCID: 22 cod
路 Codadka xumaaday: 5 cod

Cabbaar waxa naga daahay gaadhigii komishanka ee aanu sanduuqa codbixinta ku geyn lahayn xaruntii komishanka doorashada ee Burco, waxa taas naga caawiyay oo masuulkii u xilsaarnaa la hadlay Suldaan Daakir. 26/June/2010: Waxaanu U Shaqaynay Sida Birta!, micnaheedu waa shaqadii u adkayd ee aan qabanno ee na loo dhaariyay aniga iyo arday kale oo badan. Waa ta horseedday hannaanka maamul-wareejinta ee dalka.

Waa shaqadii aanu u gudannay sidii ugu daacadsanayd, ugu caddaalad badnayd, ugu dulqaad badnayd, ugu degdegga badnayd, uguna suurto-gal ahayd. Qaranka ayaanu u adeegnay. Xisbiga KULMIYE ee doorashadan ku gacan-sarreeyay sida aanu dalka ugu shaqaynnay in uu qaranka ugu shaqeeyo ayaa mar kasta guubaabadu tahay. Horena madaxda KULMIYE waa noo sharfeen oo munaasibad gaar ah oo Jaamacadda Hargeysa lagu qabtay waa noogu yimaaddeen.

Waxaa kuman goor ammaan iyo bogaadin mudan Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo Xisbiga UDUB oo si milgo leh u aqbalay natiijadii doorashada, marka laga reebo laba nin oo aanan magacaabayn. UCID iyo Faysal Cali Waraabe mar walba tanaasulka iyo waddaniyadda waa ku caan-baxeen. Komiishankuna waxa uu mudan yahay billad geesi aan abid duugoobin. Adayga aanu muujinnay, dhagaxa wuu ka darnaa, birta ayuu la mid ahaa!. Maanta ardayda jaamacadaha iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka ayuu saaran yahay xilkaas aanu xarragada u gudunnay 2010ku.

Waxyaabaha aan Burco ku arkay waxa ka mid ahaa lacagtii Giimbaarta oo 1997kii aragtideedu iigu dambaysay. Waxa farxad ah in xukuumaddu eegga beddeshay. Biyaha adag ee Burco awgeed, ku dhawaad afar cisho oo aan magaala-madaxda Togdheer joogay waxa aan cabbayay biyaha wershadaha “maya-saxo”. Xitaa shaahu marka uu qaboobo waxa aan dareemayay in biyihii adkaa lagu kariyay. Wakhtiyada qaar waxa aanu ku qaadannay kala barashada Burco. Baarsiigo, Oktoobar, Hawlaha Guud, Qasabka, Jarmalka, Xamarta IWM ayaa ka mid ahaa meelaha aan sii xasuusto.

Magaalada waxa saamayn weyn ku lahaa xibiyada. Way adkayd in aad bariga Burco ku aragto xafiis UDUB ama UCID ah waxaana 95% ka furnaa KULMIYE. Galbeedkana waxa 95% ka furnaa UDUB iyo UCID. Masuuliyiintii KULMIYE ee magaalada u joogay ololaha waxa ka mid ahaa Maxamed Kaahin Axmed, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Xasan Macallin oo saacadihii ugu dambeeyay iska casilay Wasiirka Madaxtooyada oo Burcana lagu soo dhaweeyay. Dhanka UDUB waxa ka mid ahaa Marxuun Muuse Madoobe Wasiiru-dawlihii arrimaha gudaha iyo Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed-Keyse) Wasiir ku-xigeenkii arrimaha gudaha.

Markii aanu waajibaadka qaran dhammaynnay waxa aanu dhanka Hargeysa u soo wada baxnay Dr Cabdiraxmaan Jaamac Ducaale oo ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Burco iyo Xoghayaha Xannaanada Xoolaha ee Xisbiga UCID.

Fiiro gaar ah: Maqaalkan waxa aan qoray 26kii Juun 2011ka: Sannad-guuradii kowaad ee doorashadii 2010ka ee Madaxweyne Siilaanyo talada dalka ku guulaystay.

Sidiiq Gaheyr

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.