21 Cisho Oo Saxmad Ah kadib Waa Sidee Jawiga Hargeysa?

0

Hargeysa(Sayruuq) Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo buuq iyo saxmad xad-dhaaf ah ku jirtay 21 cisho oo uu socday ololaha doorashada Madaxtooyada ee Isniinta Barri loo dareerayo hadda waa mid degan. Ganacsiga iyo shaqooyinka ayaa caadi ku soo noqday waxaana si habsami ah u socda hab nololeedka Hargeysa.

Maanta Waddadu way furan tahay saxmaddii hore oo kalena ma jirto doorashadiina waa la filaya in ay si fiican u dhacdo. Magaalada dad iyo baabuurba saxmad badan baa ka jirtay, maanta xaaladdu waa degenaan iyo caadi,” Sidaas ayuu yidhi mid ka mid ah bulshada Hargeysa oo BBC-da la hadlay.

Ganacsatada magaalada ayaa sheegaya in ay dareemayeen culays kaga imanayay gaadiidka iyo bulshada ka qayb qaadanayay ololaha doorashada laakiin, hadda ay wax walba caadi ku soo noqdeen.

Dhammaadka ololaha waxa xigay in bulshadu u kala baxdo gobollada iyo degmooyinka dalka sidaasna ay magaalada Hargeysa ku noqoto madal dadka iyo gaadiidku ku yar yihiin oo degenaansho laga dareemayo. Baraha bulshada ayaa laga dareemay dadka asxaabtooda la wadaagaya meelaha ay ka soo codaynayaan iyaga oo kuwa Hargeysa jooga soo bandhigayeen in loo kala tagay Hargeysa iyo dadkii u dhashay sidaasna la dareemayo Hargeysa oo cidla ah ama aan lahayn culayskii saxmadda ee lagu yaqaanay.

Ololaha doorashada Somaliland ayaa ku dhammaaday si nabad galyo ah oo aanay dhicin waxyaabo macno leh oo la xusi karo sida ay ka marag kaceen musharraxiinta doorashada iyo xisbiyadu waxaana rajo weyn laga qaba doorasho natiijadeeda la aqbalo oo sumcad weyn u horseeda Somaliland.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@Sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.