2015 Budget : “Qorshaha Ugu Jira Xil. Bukhaari (G.Wakiilda) Xil. Dheeg ( G.Guurtida) Iyo Dable Jaqoor – Ciidanka Jiida Hore – Bal Qiyaasa Qaybtaa ?” Hoodo Yuusuf

0

Budgetka 2015 ee Golaha Guurtida wuxuu dhanyahay   SH 20.1 billion (( $ 3.37 Million.))   Marka loo qaybiyo 82 ka   xildhibaan ee Golahaa ku jira, midkiiba   waxa kusoo beegmaaya   $ 41,000 (( kow iyo afartan kun ).Sidoo kalebudgetka Golaha Wakiiladu  wuxuu dhanyahay   SH 18.8 Billion  (( $ 3.14 Million.))   Marka loo qaybiyo82   Xildhibaan  ee Golahaas  ku jira,  midkeeba  waxa kusoo hagagaayaa   $ 38,000. Taas macnaheedu maaha, Xildhibaan  waliba wuxu jeebka ku  qaadanyaa  lacag  kaasha” Cash Money “. Waa  qiimaynta loo yaqaano  ” Cost/ Head Count ” . Tusaale ahaan, Xildhibaan Dheeg oo ka tirsan Golaha Guurtida , waxa u qorshaysan in lagu kharash-gareeyo lacag dhan  $  41,000- oo ka kooban Mushahaaro, Gunno, Habayn dhax,Caafimaad  IWM.Sido kale,  Xildhibaan Bukhaari, oo ka tirsan  G.Wakiilada, waxa  loogu talla galay $ 38,000// . Bal waxaad barbardhigta qorshaha-   DABLE JAAQOOR , oo ka   tirsan ciidamadda qaranka eek u jira  Jeeda Hore . Sanadka  2015   u qorhaysan   $ 600  (( $ 50 per month X 12 )) iyo  raashin. BAL QIYAASA QAYBTAA? Waxa inoo  muuqata qiimaha culus ay qaranka ugu   fadhiyaan 164 Xildhibaan. Isugenta Miisaaniyada labada Gole  2015  waxay dhantahay    SHL 39 Billion (( $ 6.5 Million)) . Budgetkaasi wuu ka badanyahay isugaynta  BUDGETKA    16   WASAARADOOD   & HAYÁDOOD  oo ah adhaxda   Dhaqaalaha, Waxsoosaarka, Amniga  iyo Difaaca  qaranka . (Facts & Figures   – Hoos ka daalaco  16 Wasaaradood & Hay’adood )

GUNAANADWasiir Samaale wuxuu soo dhab-dhabay Miisaaniyad  bararsan ( Inflated budget ).  Damaciisa siyaasiga ayaa ka dhex muuqda    .Golaha Wakiiladdu   duudub ayay  ku ansixiyeen . Dantooda ku jirta .Mid walba waxa u qorshaysan $ 38,000. .Golaha Guurtida waxay bushaareeyeen   MUDDO KORDHIN, . Dantooda ku jirta .Mid walba waxa u qorhsaysan $ 41,000.   Dable Jaaqoor  dhufayska jeeda hore ayuu ki jira,haddii RAATION loo helo, Al-Xamdulilaah.

A ISUGAYN-LABADA GOLE SL Sh. (( Billions )) US $ (( Millions ))
1 Golaha Guurtida  Sh 20.2 Billion $ 3.37
2 Golaha Wakeeladda 18.83 Billion $ 3.14
  Total Sh 39.03 Billion $ 6.51 Million

 

 

B) Budget : 8 MAIN  MINISTRIES SL Sh  ( Billions) US $ Millions
1 W. Xanaada Xoolaha 6.9 Billion 1.15 Million
2 W. Beeraha 4.5 Billion 0.75 Million
3. W.Qorshaynta 3.5 Billion 0.58 Million
4 W.Wershadaha 3.4 Billion 0.57 Million
5 W. Dib-u-dejinta 2.9 Million 0.48 Million
6 W. Kaluumaysiga 2.8 Billion 0.47
7 W. Macdanta & Tamarta 2.4 Billion 0.40 Million
8 W. Gaashaandhiga 2. 3 Billion 0.38 Million
  Subtotal SH.L 28.7 Billion US $ 4.78 Million
  FIIRO  : Budgetka Ciidanka Qaranku kuma dhex jiro  W.Gaashaandhiga //
  Xigasho/ Budget 2015// Exchange  (( Riyaale Rate))  : 1 US $ = $ 6,000

 

C BUDGET : 8 MAIN GOV’T AGENCIES SL Sh  ( Billions) US $ Millions
1 Maxkamdda Sare 2.5 Billion 0.42 Million
2 Jimciyadda Mujahideenta  Sooyaal 1.59 Billion 0.27 Million
3. Komisionkan La Dagaalanka AIDESKA 1.5 Billion 0.25 Million
4 Hay’da Diyaargarowka Dhibaatooyinka 1.2 Billion 0.20 Million
5 Guddiga Tacliinta Sare 1.1 Billion 0.18 Billion
6 Hay’da Miinosaarka 0.9 Billion 0.15 Million
7 Guddiga Dib-u-Habaynta Shuruucda 0.9 Billion 0.15 Million
8 Garyaqaanka Guud 0.67 Billion 0.11
  Subtotal SH 10.3 Billion   US $ 1.7  Million
       
  GRAND TOTAL ( B+C )

16 ka Wasaardaood & Haydood.

SH 39 .04 Billion US $ 6.5 Million
   
  Xigasho/ Budget 2015// Exchange  (( Riyaale Rate))  : 1 US $ = $ 6,000

NB:  Coming Saturday: la soco Musharka Madaweynaha Iyo K.Xigeenka.

Hoodo Yuusuf,UK , London.   // yhoodo@yahoo.com 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.