Oromada Oo Xasuuqday Dad Soomaali Ah

0
Oromo Lagu laayay Magaalada Boosaaso

Hargeysa(Sayruuq) Wararka naga soo gaadhay deegaano ka mid ah ismaamulka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in dad Soomaali ah oo tiradooda ay gaadheysa 65 qof lagu diley tuullada Gadule ee hoostagta degmada Darullow. Hasa ahaatee, madaxa Warfaafinta deegaanka bariga Harerge ee dowlad gobolleedka Oromada, Cabdirisaaq Maxamed oo la hadlay laamaha Itoobiyaanka ee afafka Oromada, Tigreega iyo Axmaaradda ee VOA, ayaa tirada dadka dhintey ku sheegay 14 qof.
Cabdirizaaq Maxamed waxaa uu intaas ku darey in weerarkan uu ka dhashey duullaan ay ciidamada Liyuu Boliiska ee deegaanka Soomaalida ku soo qaadeen deegaan aan Gadule ka dheerayn, 2 qof oo midi askari yahayna ay ku dileen. Islamarkaasna reerkii askariga laga diley ay weerar ku qaadeen Soomaalida Gadule ku sugneyd.
Jaamac Quulle Jaamac ayaa la xidhiidhey mid ka mid ah dadkii ku sugnaa goobta dadka lagu laayey, arrimo amniga la xadhiidha darteedna codsadey in aan magaciisa la shaacin, waxaana uu ugu horeyn weydiiyey sidii ay wax udhaceen.

 

Xigasho: VOASomali

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.