Dawladda Somaliland Oo Muftiga Qudus U Ballanqaaday In Ay Barbar Taaggan Tahay

0

Hargeysa(Sayruuq) Dawladda Somaliland ayaa si rasmi ah uga qaybgashay  shir Waddamada Carbeed ku yeesheen dalka Tunusiya oo ku saabsan ammaanka iyo xaaladda guud ee dunida Carabta xilligan ka taaggan. Masuuliyiin ka socda wasaaradda arrimaha dibada Somaliland oo shirka ka qayb galay ayaa sheegay in ay ku soo bandhigeen qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland.

Wasiir kuxigeenka arrimaha dibada Somaliland Kaysar Cabdillaahi Maxamed ayaa sheegay in ay halkaasi kula kulmeen Sheekhal baladka Qudus “Muftiga weyn ee Magaalada Qudus/Jerusalem Sheekh Maxamed Xuseen oo aan ku kulanay Shir ka socda Magaalada Tuunis, Waxaan u sheegnay in Xukuumadda iyo Shacbiga reer Somaliland ay la wadaagayaan dhibta haysata Walaalahooda reer Falastiin kana soo horjeedaan go’aanka Xaqdarrada ah ee Madaxweyne Trump dhawaan ku sheegay in Magaalada Qudus ay tahay Caasimadda Yuhuudda,” Sidaas ayuu ku sheegay qoraal uu boggiisa Facebook ku baahiyay wasiir Xigeen Kaysar.

Wakiil sharafeedka Somaliland ee Finland Saamiya Muuse ayaa sheegtay in kulanka shalay furmay ay la wadaageen qaddiyadda Somaliland “Waxaa noo furmay shirkii Tunisia oo aanu ka qayb galnay aniga iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda Kaysar waxa uu ahaa shir ay wadamada Carabtu ay kaga wada hadlayaan arrimaha la xidhiidha Amniga, iyo xaaladda guud ee ay ku sugan tahay Ummada Carbeed. Shirkan waxaa si rasmi ah loogu soo casuumay Jamhuuriyada Somaliland waxaana aan ku soo bandhignay Qadiyada Xaqa ah ee Qaranka Somaliland,” Sidaas ayay tidhi Amb Saamiya

Image may contain: 4 people, people smiling, people standingImage may contain: 6 people, people smiling, people standing and stripes

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.