13 Soomaali Ah Oo Maydkooda Laga Helay Kayn Ku Taalla Musambiik

0

13 Qof oo Soomaali ah ayaa maydkooda laga helay kayn ku taallada waddanka Mozambique ee ku yaalla Koonfurta Afrika. Dadkan ayaa la rumaysan yahay in ay ku neef qabatoobeen xagga dambe ee gaadhi weyn oo Koontiindhar ah. Xukumadda Musambiik ayaa sheegtay in la helay maydadka dadkan oo lagu daadiyay meel kayn ah oo u dhaw saldhigga booliska degmada Cheringoma ee gobolka Sofala. Xukumadda ayaa sheegtay in ay baadhitaan ku waddo dhacdadan laakiin, wax faahfaahin ah ma bixin.

Xukumadda Musambiik ayaa wargeyska dalkaasi ka soo baxa ee O País u sheegtay in la aamminsan yahay in dadkan Soomaalida ah ahaayeen muhaajiriin sharci darro ah oo ka yimid waqooyiga dalkaasi kuna sii jeeday koonfurta waddankaasi “Waxay u muuqdan tahriibeyaal sharci darro ah oo lagu siday gaadhi Kontiindhar ah kaddibna ay ku cabudheen. Isla markii uu darawalku ogaaday in ay dhinteen wuxuu ku daadiyay kaynta,” sidaas ayay ilo xukumadda ahi u sheegeen wargeyska.

Waddankan ayaa la sheegay in uu marin u yahay tahriibeyaasha u socda dalka Koonfur Afrika siiba Soomaalida iyo Itoobiyaanka. Bishii May dawladda Musambiik ayaa mastaafurisay 24 Itoobiyaan ah oo sitay fiseyaal  been abuur ah. Muhaajiriintan Soomaalida ah Ayaan laga hayn faahfaahin intaas ka badan iyada oo Soomaalidu ku kala faaftay meelo badan oo dunida ah dhibaatooyinna kala kulanta meelo badan oo Koonfur Afrika ka mid tahay.

Xigasho: The East African

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.