11 Qodob Oo Madaxweyne Biixi Laga Sugayo?

0

Jokarka siyaasadda ee aynu maqlo inuu yahay imika Madaxweyne Muuse Biixi ma shaki ayaa kaga jira?

Waa Masuulka Qaranka u sarreeya ee la sugayo? Yaa sugaya, maxaase laga sugayaa.

■Waxa laga sugayaa inuu siyaasadda Xisbigiisa jiheeyo
■ Waxa laga sugayaa, inuu Guddoomiyaha wareejiyo, amma inuu yidhaahdo shantii sanno ee la i doortay waan dhamaysanayaan
■ Kaahin iyo Gaafaadhi ayaa sugaya inuu u kala taliyo
■ Sidii uu isku hayn lahaa ayaa laga sugayaa labadan siyaasi, oo aanu midkood Saaxadda Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda uga bixin lahayn, haddii aan Buuni loo baahana xilli hore.
■Xisbiyadii Mucaaradka ka sugayaa inuu doorashada ku qabto Xilligeedii
■Beeshii Caalamka iyag sugaya inuu doorasho ku qabto wakhtigeedii
■ Shacabka iyo Xisbiyada laftooda ka sugaya inuu sii wadato taariikhda cajiibka ah ee dhinaca doorashada uu ka sameeyey, sida inuu lacagtii ugu badnayd ku bixiyey 75% iyo faro gelin la’aan, tan madaxtooyada ka yeelo sidii hore oo kale, in wakhtigeeda lagu qabto.
■ Siyaasiyiin Dibed wareeg ah oo aan saddexda Xisbi midna ka tirsanayn, waxa ka sugayaa in Ururro la furo.
■Taageerayaasha shakisan ee Kulmiye ayaa ka sugaya wakhtiga uu muddo kordhin codsan doono iyo inta ay noqon doono.
■isaga laftiisa iska sugaya inuu waxani furfurto, oo inta aanu isagu furfurin Dar Ilaahay isu furfuro.
■Madaxweynaha laftiisa isku sugaya oo marmar isweydiinaya duco ma qaadataa oo wakhtigeeda ma ku qabataa, Haddii aad guuleystida horumarinta Waddanka ma sii wadaa, haddii laga helina ducadu ka badan.

Saleban Saxansaxo

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.