0

>news3Hargeysa(Sayruuq) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland C/samad Cumar Maal ayaa maanta Satruuq uga waramay

halka ay marayso hawsha Diiwaangelinta Madaniga ah ee ay Xukuumadda Somaliland qabanayso, taasoo ay dhawaan ku Guulaysatay shirkadd Wadani ah oo la yidhaahdo Sahan.

Agaasime C/samad Cumar Maal waxa uu waraysigan kaga waramay marxaladihii ay soo martay hawsha Diiwaangelintu muddadii ay Xukuumaddu ku guda jirtay qaban qaabadeeda, waxaanu sheegay wakhtigii ku talogalku ahaa in laba bilood oo ka mid ah ay ka qaadatay samaynta, diyaarinta iyo bixinta macluumaadka Diiwaangelinta Somaliland u baahan tahay nooca ay tahay iyo waliba qalabka loo baahan yahay in lagu fuliyo.

Agaasime C/samad waxa uu sheegay in hawsha Guddida Qandaraasyaddu samaynayeen oo ahayd ta ugu culusi ka dhamaatay toddobaadkii hore isla markaana shuruudaha lagu xidhay Shirkadda la siiyey ay ugu yaraan qaadan doono dhawr iyo afartan cisho inay ku keento qalabka ay hawsha ku fulinayso, taasoo ka dhigaysa in illaa bisha September la bilaabi doono Diiwaangelinta Madaniga ah.

Waraysiga aaanu Agaasimaha la yeelanay oo ahaa mid dhinacyo badan ka taabanaya Hawsha Diiwaangelinta oo wasaaraddiisu u xil saaran tahay waxaad iyada oo dhamaystiran ka dhagaysataan qaybta Idaacadda.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.