1 Milyan Oo Magdhaw Ah Baa La Siiyay Nin Si Khaldan 31 Sanno U Xidhna

0
1 Milyan Oo Magdhaw Ah Baa La Siiyay Nin Si Khaldan 31 Sanno U Xidhna

1 Milyan Oo Magdhaw Ah Baa La Siiyay Nin Si Khaldan 31 Sanno U Xidhna

Nin u xidhnaa 31 sanno dambi aanu galin ayaa ku guulaystay 1 milyan oo doolar oo magdhaw ah. Golaha xuquuqda ee gobolka Tennessee ee dalka Mareykanka ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyay Arbacadii in magdhaw la siiyo Lawrence McKinney oo 61 jir ah.

 

Mr McKinney ayaa la xidhay sanaddii 1978 ka dib markii lagu eedeeyay kufsi iyo budhcadnimo, balse waxa xabsiga laga siidaayay 2009 ka dib markii la ogaaday bishii December in aanu wax dambi ah galin.

 

Magdhawgiisa waa wixii ugu badnaa ee ay dowladda siin kartay ka dib markii ay dowladda siisay markii la siidaaynayay $75. Waa lacagtii ugu badnayd ee ay dowladda gobolka Tennessee ay ebid bixiso “Waan u mahadcelinaynaa badhasaabka,waana u mahadcelinaynaa golaha,” ayuu yidhi David Raybin,oo ah qareenka Mr McKinney.

 

Maxay ahayd sababtii loo xidhay?

Bishii October 1977, Mr McKinney ayaa lagu xidhay Memphis ka dib markii ay haweeney sheegtay in uu ka mid ahaa laba nin oo ku kufsaday gurigii ay daganayd.

 

Waxa lagu soo oogay dacwad ah kufsi iyo budhcadnimo, ka dib markii dambigii lagu soo oogay lagu helay ayaa bishii June 1978 waxaa lagu xukumay 115 sano oo xadhig ah. Markii la xidhayay Mr McKinney waxa uu jiray 22 sano .

 

30 sano ka dib bishii August 2008, ayaa waxaa la qaaday dhiiga DNA oo lagu ogaady saddex qof oo aanu midkoodna ahyn Mr McKinney.

 

Waxaa xabsiga laga siidaayay bishii July 2009.

 

Mr McKinney ayaa sheegay in uu xabsiga ku jiray 31 sano, 9 bilood, 18 maalmood, iyo 12 saacadood.

 

Qaabkuu ku helayaa magdhawga?

Mr McKinney lama siin doono dhammaan lacagta magdhawga ah.

 

Waxaa imika la siin doonaa $353,000 oo uu ku bixinayo qarashkii qareenkii u doodayay iyo daymaha.

 

Qaybta kale ee lacagtaa ayaa waxaa bil waliba la siin doonaa $3,350 muddo 10 sano ah.

 

Lacagtani ayaa waxaa la siin doonaa xaaskiisa haddii uu dhinto muddadaasi.

Xigasho: BBCSomali

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.