Aas Qaran Oo Magaalada Hargeysa Loogu Sameeyey Marxuum Xildhibaan Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal Iyo Madaxwaynaha Somaliland Oo Ka Qayb Galay+Sawiro

0

Waxa maanta magaalada hargeysa gaar ahaan xabaalaha xeedho aas qaran loogu sameeyey Marxuum Xildhibaan Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal oo kamid ahaa mudanayasha golaha guurtida Somaliland isla markaana xalay ku geeriyooday magaalada hargeysa.

Waxaana marxuunka oo salaadii duhur lagu tukaday ka qayb galay madaxwaynaha Somaliland,wasiiro ka tirsan xukumadda,mudanayaasha labada gole qaran, masuuliyiinta saddexda xisbi qaran,cuqaal, waxgarad, salaaidn iyo waliba bulshada ku dhaqan caasimada hargeysa.

Waxaana Marxuun xildhibaan Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal lagu aasay xabaalaha xeedho ee magaalada hargeysa.

Waxaana dhamaan aaska ka hadlay badiba masuuliyiintii kasoo qayb gashay aaska loo sameeyey xildhibaan Sheekh Khaliif waxaanay ka shekeeyeen taariikhda soyaalka ah ee uu lahaa marxunku iyaga oo sidoo kale alle uga baryay inuu alle janadiisa fardawsa ka waraabiyo, Samir iyo imaana ka siiyo eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay marxuun xildhibaan Sheekh Khaliif Xasan.

Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo isna halkaas ka hadlay alla tacsi tiiraanyo leh u diray eheladii qarbaadii asxaabtii shacabka reer somaliand iy mudanayasha uu ka baxayba isaga oo alle uga baryay inuu alle janada fardawsa ka waaraabiyo Samir iyo imaan saadiqana ka siiyo dhamaan dadkii uu ka baxay.

Marxuun Xildhibaan Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal ayaa isagu kamid ahaa mudanayashii ugu horeeyey ee lagu aasaasay golaha guurtida Somaliland.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.