Zidane Oo Ka Hadlay Iscasilaaddiisa Real Madrid

0
422 views
Zidane Oo Ka Hadlay Iscasilaaddiisa Real Madrid

Zidane Oo Ka Hadlay Iscasilaaddiisa Real Madrid

Hargeysa(Sayruuq) Zinedine Zidane ayaa sheegay in uu iska casilay tababarenimada kooxda Real Madrid shan cisho uun ka dib markii uu u qaaday koobka Champions League markii saddexaad oo xidhiidh ah. Sidoo kale hal horyaalka Spanish-ka ah ayuu u qaaday intii uu joogay kooxda.

Tababare Zidane oo sanadkii 2016 la wareegay majaraha Real Madrid ayaa sheegay in kooxdu isbedel u baahan tahay “Waxaan filaya in kooxdani u baahan tahay sii wadida guulaha laakiin, taasina waxay u baahan tahay isbedel, Cod kale(Tababare kale), hannaan kale oo guusha lagu sii wado, waana taas sababta aan go’aankan u qaatay,” Sidaas ayuu yidhi Zidane.

Tababare Zidane wuxuu intaasi ku daray “Waan jeclahay kooxdan,” waxaanay iscasilaaddiisu noqotay mid amakaag ah oo aan la filayn maaddaama Real 3:1 hal ku garaacday Liverpool todobaadkan.

Waxay u muuqata in ay rumawday hadal hayno xilli ciyaareedkii dhammaaday jiray oo ku saabsan in mustaqbalkiisa madmadow ku jiro kadib markii kooxdu meel hoose kaga jirtay horyaalka Spanish-ka laakiin, waxa la filayay in guusha Champion-ku soo celinayso kalsoonida lagu qabo Zidane.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here