Yurub Iyo Shiinaha Oo Afrika Ku Loolamaya

Midawga Yurub Oo Soo Bandhigtay 3 Qodob Oo Ay Kula Loolamayso Shiinaha Oo Afrika Xidhiidh Dhaw La Yeeshay

0
370 views
Yurub Iyo Shiinaha Oo Afrika Ku Loolamaya
European Union Commission President Jean-Claude Juncker delivers a press conference following a Special Meeting of the European Council at the EU Council building in Brussels on April 29, 2017. The EU needs a "serious British response" to its demands to protect citizens' rights, EU President Donald Tusk said on April 29, setting terms for launching new ties with the bloc after Brexit. / AFP PHOTO / THIERRY CHARLIER (Photo credit should read THIERRY CHARLIER/AFP/Getty Images)

Yurub Iyo Shiinaha Oo Afrika Ku Loolamaya
Brusells(Sayruuq) Midawga Yurub ayaa soo bandhigay hindise cusub oo Qaaradda Yurub iyo Afrika lagaga dhigayo mataano isbahaysi dhaqaale leh. Arrintan waxa dabada ka riixaya markii reer Galbeedku arkay xidhiidhka kordhaya ee Shiinuhu la leeyahay Qaaradda Afrika ayay ku baraarugeen in ay dib boodhka uga jafaan iskaashigooda Afrika.

Guddoomiyaha Komishanka Midawga Yurub Jean-Claude Juncker ayaa sheegay in soo jeedinta cusub ee Yurub kula mataanoobayso Afrika tahay in iskaashiga dhaqaale qotada loo dheereeyo, islamarkaana la dardar geliyo maalgashiga iyo shaqo abuurka. Waxa uu sheegay in qorshahani 10 milyan oo shaqo u abuurayo Afrika shanta sanno ee soo socda.
Qorshaha uu wado Mr Jean-Claude Juncker ayaa ah in la abuuro ganacsi xor ah oo qaarad ka qaarad ah.

Waxa la rumaysan yahay in qorshahani qayb ka yahay hannaanka Yurub iskaga caabbinayso saamaynta sii kordhaysa ee Shiinuhu ku leeyahay qaaradda Afrika.

Shiinaha ayaa xoogga saaraya in uu la ganacsado waddamada Afrika lana ahaado bahwadaag isaga oo aan u horseedayn colaado, islamarkaana aan caawimaad siinayn sida looga bartay reer Galbeedka laakiin, Mr Jean-Claude Juncker ayaa hadda sheegaya in ay tahay in Yurub joojiso arrimahaasi.

Qodobada Yurub qorshaysay
1. In la fududeeyo in Ardayda Afrika wax ka bartaan jaamacadaha reer Yurub;
2. In Afrika laga caawiyo ganacsiga lana kordhiyo taageeridda dhanka dhaqaalaha;
3. In Afrika la siiyo 46 Bilyan oo dollar ($46bn (£35bn) 7 sanno oo ka bilaama 2021.

Arrintan ayaa loo arka mid muhiimad weyn u leh qaaradda Afrika ee bulshadeedu sida xawliga ah u kordhayso, islamarkaana ay shaqo abuurka iyo dhaqaalaha kobcinayso.

Guddoomiyaha Komishanka Yurub waxa uu u arka in la sameeyo ganacsi xor ah oo labada qaaradood ba dan u ah.
Yurub oo la tilmaamo in ganacsiga ay Afrika la leedahay uu yahay 36% marka la barbar dhigo Shiinaha oo 16% ah waxay doonaysa in ay ka faa’iidaysato istaraatijiyadda labada Qaaradood iyada oo eegaysa in ay Shiinaha uga dhawday Afrika, islamarkaana xidhiidh hore la lahayd.

Waxa kale oo qorshaheeda ka mid ah in ay tahriibeyaasha Afrika ee beegsanaya Yurub ku nagaadaan dalalkooda Afrika, halkaasna loogu sameeyo shaqo abuur iyo dhaqaale.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.