You Can Win (Waa Aad Guulaysan Kartaa)

0
527 views
You Can Win (Waa Aad Guulaysan Kartaa)

You Can Win (Waa Aad Guulaysan Kartaa)

Waxaa jiray nin iibiya buufimaha, iyaga oo midabyo badan oo kala duwan ah.

Marka suuqa iibsashada buufinka uu hoos u dhaco, ayaa uu hal buufin cirka u sii dayn jiray. Carruurta ayaa marka ay arkaan buufinkaas cirka duulaya, waxa ay jeclaysan jireen in ay ayaguna helaan buufin. Sidaas ayaa carruurtu kaga iibsan jireen, suuqiisuna kor ugu qaadmi jiray.

Maalin ayaa waxaa u yimid inan ama wiil yar, oo waydiiyey : In buufinta midabka madow lihi ay kor u duuli karto sida kuwa kale?. “Wiilkaygiiyow maaha midabka iyo muuqaalka waxa kor u qaadaya ama hoos u dhigaya buufinka, ee waa waxa ku dhex jira buufinkaas (Hawada)“ Sidaas waxa ku jawaabay ninkii.

Sida buufinka waxa ku dhex jira ay kor ugu qaadayaan ama hoos ugu dhigayaan, ee aysan ku xirnayn muuqaalka ama midabka sare, sidaas si lamid ah waxaa ah dadka, iyaga oo horumarka ama dibudhiciisa nololeed ay keenayso waxa ku jira maskaxdiisa iyo sida uu u kala sareeyo qaab fikirka dadku.

“Waxa ugu wayn ee la ogaaday qarnigan waa, in qofku wax ka badali karo heerka noloshiisa isaga oo wax ka badalaya qaab-fekerkiisa“. Sidaas waxaa yiri William James oo ah bare caan ah, ee jaamacada Harvard.

Dadku waxa ay in badani yaqaanaan awoodda iyo saamaynta ay leedahay wanaag u fekeridu, laakiin in yar ayaa yaqaan saamaynta iyo awoodda hoos u dhac ee ay keeni karto xumaan u fekeriddu.

Labadoodu qofka waxa ay u kala kexeeyaan labo jiho oo kala duwan. Sida wanaag-u-fekeriddu kor ugu qaado qofka noloshiisa, ayaa ay xumaan-u-fekeriduna guul darro ugusoo jiidaa shakhsiga.

QAAB-FEKERKAAGA AYAA KUU HORSEEDI KARA GUUL.

Cilmi baaris laga sameeyey jaamacadda Harvard ayaa lagu ogaaday, in marka qofka shaqo loo doorto ama dalacsiin loo sameeyo, boqolkiiba sideetan iyo shan uu ku gaaro hab-fekerkiisa wanaagsan, kaliya boqolkiiba toban iyo shan ay ku timaado caqli-badnaanta ama aqoonta qofka.

Mayna ahayn layaab, in dhaqaalaha iyo waqtiga ugu badan dadku galiyaan aqoonta, ayada oo boqolkiiba toban iyo shan kaliya ka ah guulaha aad gaari kartid. Balse dadku aysan wax badan ku bixin la imaanshaha qaab-fikir wanaagsan.
Buuggani waxa uu ku saabsanyahay Boqolkiiba sideetan iyo shan taas.

Qaab-fikirku waa waxa ugu muhiimsan nolosha, waxa uu saameeyaa dhankasta oo nolosha qofka ah, ha ahaato dhanka nolol shaqsiyeedkiisa ama nolol shaqeedkiisa.
Maareeyuhu ma noqon karaa maareeye wanaagsan hadii uusan la iman qaab-fikir wanaagsan ?

Ardaygu ma noqon karaa arday wanaagsan isaga oo aan la iman qaab-feker wanaagsan?

Waalidiinta, macalimiinta, ganacsatada, shaqaalaha iyo dadka shaqaalaysiiya midkoodna ma ku wanaagsanaan karaa doorkiisa isaga oo aan la iman qaab-fikir wanaagsan?

Aasaaska guushu waxa uu ku xiranyahay qaab-fekerkaaga. Xirfad iyo aqoon kasta aad lahaatidbee.

Hadii qaab-fikirku sidaas muhiim ugu yahay guulaheena, mayna ahayn in aan dib u eegno qaab-fikirka nolosheena, aanna kafiirsano sida qaab-fekerka qof walba uu u saamaynayo noloshiisa.

Dhulwaynihii Dheemanka ahaa.

Xafiis waxa uu ahaa nin beeraley ah oo ku nool wadan ka mid ah qaaradda Afrika. Xafiis waxa uu ahaa nin ku qanacsan kuna faraxsan noloshiisa.

Maalin ayaa waxaa u yimid nin xigmad badan, waxa uuna uga waramay qaalinimada dheemanka.

“Hadii aad haysato dheeman le`eg suulkaaga waxa aad yeelan kartaa magaalo adi kuu gooni ah, hadii aad haysato dheeman feerkaaga le`egna waxa aad samaysan kartaa wadan dhan“. Sidaas waxaa yiri ninkii xigmadlowga ahaa. Kadibna waa uu iska tagay.

Qanac la`aan iyo farxad la’ aan ayaa ku abuurantay Xafiis, waa ninkii beertiisa iyo noloshiisa ku qanacsanaa.

Xafiis waxa uu go`aansaday in uu beertiisa iibiyo reerkiisana ka safro si uu u raadiyo dheeman. Waxa uu maray Afrika oo dhan isaga oo aan helin wax dheeman ah, waxa uu u gudbay Yurub, nasiib darro sidoo kale waxba waa uu ka waayay Yurub oo dhan. Markii dambe isaga oo maraya wadanka Spain ayaa waxaa ka dhammaaday niyadii raadinta dheemanka uu u qabay , waxaa kaloo ka dhammaaday sahaydiisii, sidoo kale waxa uu noqday mid muuqaal ahaan dhammaaday, daalay oo caqdayna. Xafiis ugu dambayntii waxa uu isku tuuray wabiga magaalada Barcelona ee wadanka Spain, sidaas ayaa uuna ku dhintay.

Dhanka kale ninkii iibsaday beerta xafiis, ayaa maalintii dambe isaga oo tog beerta dhex mara ka waraabsanaya geeliisa, waxaa qoraxda soo baxaysay iftiinkeedu dhalaaliyey dhagax ka mid ah kuwii qarka togga saarnaa, dhagaxiina waxa uu bilaabay in uu cawarayo qofka eega.

Ninkii ayaa qaaday dhagaxii isaga oo u bogay quruxdiisa balse aan garanayn waxa uu yahay, dhagaxiina waxa uu saaray meel gurigiisa ka mid ah, si uu u daawado quruxdiisa.

Isla galabkii ayaa waxaa gurigiisa yimid ninkii xigmadlowga ahaa, waxa uuna ku yiri “War ma Xafiis baa soo noqday?

“Maya balse maxaa ii waydiisay? “Saas waxaa ku war celiyey ninkii guriga deganaa.

`Sababta oo ah waxaa ii muuqata dheemankii uu raadinayay oo guriga meel ka saaran, waana aqaan oo marka aad mid dheeman ah aragtid kuwa kalana waa aad garan kartaa“. Waxaa ku warceliyey xigmadlowgii.

“Maya ee anaa dhagaxaan beerta ka dhex helay oo guriga ku quruxsaday, kuwo kale oo badan ayaa aan beerta ku arkay inakeen aan kusoo tusee“. Ninkii ayaa sidaas ku yiri xigmadlowgii.

Beertii ayaa la isku raacay waxaana laga qaaday dhowr dhagax kadibna loo geeyey dadka dheemanka yaqaanna, waxaa la ogaaday in beerta Xafiis uu iska gaday ee uu doonayay in uu dheeman ka doonto, ay ku fadhiday dhul wayne dheeman ah.

Waa maxay fariinta sheekadani?

Waa dhowr waxyaabood.

1. In marka hab-fikirkeenu wanaagsan yahay, aynu ku dul soconno dhulweyne dheeman ah. Fursaduhuna ay yahiin kuwo cagaheena ku hoos jira. Umana baahna in aan meel kale aadno si aan u helno fursad meeshaas ka bannaan.

2. Marka aannan aqoon u lahayn fursaddu waxa ay tahay, waxaa dhacaysa in fursaddu wajiga kaa dharbaaxdo adna aadan xataa eegin, ogaanna in waxa ku dharbaaxday ay tahay fursadii oo iskaa tusaysa. Waxa aan u baahanahay oo dhammi waa in aan barano, aqoonsanana fursadda.

3. Dadka aan garowsan karin waxa ay fursaddu tahay ama u egtahay, waxa ay ka cabtaan shanqarta garaaca albaabka, iyaga oo aan fahmin in ay fursaddu tahay waxa albaabka garaacaya.

4. Fursadda in la ogaado marka ay albaabka kasii baxayso ayaa ka dhib yar in la ogaado marka ay garaacayso albaabka.

5. Fursaddu hal mar ayaa ay albaabka soo garaacdaa. Mar labaadka haddii ay soo garaacdo waxa ay noqon kartaa mid ka xun ama ka wanaagsan tii hore, laakiin marnaba lamid ma noqonayso tii hore. Sidaa darteed waxaa muhiim ah in aad go`aan sax ah qaadatid oo ka faa`iidaysatid fursadda markaas. Balse hadii aad go`aan sax ah qaadatid xilli qalad ah oo ay fursaddii kaa gudubtay waxa uu go`aankaasi lamid yahay mid qalad ah.
6. Cawska beeraha hadba waxaa cagaar badan midka kaa fog ee aadan dul taagnayn.Marmar dhif ah waa ay dhacdaa in cawska beerta kale ee kaa fog uu yahay mid laga waraab badiyey kan beertaada, laakiin ogoow inta badani waa bidhaanta waxa saas ka dhigin ee maaha xaqiiqda.

In badan nolosha waxaa innaga dhuma fursadaha dhabta ah iyada oo cagaheena ku hoos jirta, annaguna aan cayrsanayno bidhaan-beeneed meel fog ka muuqata.

7. In badan inta aad eegayso cagaarka beerta kale, ayaa qofka kalena eegayaa cagaarka cagahaaga ka hooseeya ee beertaada. Qofkaasina in badan ayuu ku qanacsanaan lahaa in uu beertaada tiisa ku badasho.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

BUUGGA “YOU CAN WIN` Waxaa Qoray Shiv Khera. Waxaa Turjumay Dr Jama Sahal

Abdulahi Nur Colombo

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.