Home Articles Yellow Journalism :Saxaafadda Huruuda(Jaalo) WQ/Maxamuud Askar

Yellow Journalism :Saxaafadda Huruuda(Jaalo) WQ/Maxamuud Askar

5 min read
0
0
476

Yellow Journalism :Saxaafadda Huruuda(Jaalo)
Magaca Saxaaafadada Huruuda maxuu ku baxay?
Marka lagu sifeeyo ama la yidhaa saxaafadaasi waa mid jaalo ah waxay micnaheedu noqonaya ,warbaahin ka fog runta iyo ilo sax ,waa saaxaafad ku caanbaxday beenta ,buunbuunita dhacdooyinka mala awaalka ah ,fadeexadda iyo raadinta warar akhlaaqadda iyo mihinadda saxaadadda ka fog kana aradan dhaqanka suuban .
Saxaafadda Huruuda ah yoolkoodi waa helida akhristayaal ama daawadayaal tiro badan kuwaas ay ka helaan faa`iidooyin dhaqaale ,ciwaanadooda ka dhiga kuwa soo jiidasha leh .
Halkii ugu horeysay ee magacan ka soo baxay waa dalka Maraykanka oo waxay soo baxadya intii u dhaxaysay sannadadii 1895 iyo 1898 dhamaadkii qarnigii 19aad waqtigaas oo dagaal warbaahineed iyo tartan xoogan ka dhex aloosmay Joseph Pulitzer oo ahaa mulkilaaha wageyska (New York world) iyo William Randolph Hearst Mulkilahaa Wargeyska (New York Jornal).
Labadan wargeyis ayaa ku tiirsanaa adeegsiga luuqad ku dhisan fadeexado dhanka Jinsiga ah oo soo jiidasho leh kuwaas oo qoraaladooda u dhigi jiray qaab indho daraandar ah oo run u eeg balse xaqiiqada ka fo si ay u helaan akhristayaal tiro badan oo ay ka soo galayaan lacag xad dhaaf ah .
Wargeyis ka mid ah labadan wargeys ayaa sheeko taxano ah oo sawir gacmeedka Cartoonka ah ku fidisay bogageeda taas oo cinwaan looga dhigay (Ilmihii Jaalaha ahaa )The Yellow Kid ,sheekadaas ayaa horumar balaadhan gaadhay taas koobsanysay aragtiyo jeesjees ah .
Wargeyska New York Press oo ahaa mid dhexdhexaad ah ayaa labadda Wargeyis ee kala soo baxayay New York 1897 ku dhaleeceyay in ay yihiin Wargeyisyo Huruud sifadaas oo aan la garan waqtigaas waxa uu ula jeedo ,waxaanay noqotay uun sifo muujinayaa quudhsashadda warbaahintaasi fidinaysay fadeexadda iyo arrimaha jinsiga ee bila yoolka ah se kaliya ay aragtidoodu tahay helida lacag iyo macaamiil ku xidhan oo xad dhaafa ah.
Gadaal ayay arrintan warbaahinta ku soo noqotay qeybaheeda fogaan araga iyo radio-ga iyo saxaafadda la akhristo ,kadib markii wasiirki warfaafinta ee Jarmalka Naasiga ahaa uu adeegsaday Dacaayad iyo propaganda nooceeda ugu khatarsan ee danbaska ah taas bulshada Jarmalka ku qancinaysyay warar been ah oo lagu gadinaayo aragtida Rayu-Caamka ,schoolka ay warbaahinta Yellow Press haystaan ilaa maantana waa taa dunida meel kasta oo la joogo ,kuwaas oo aan ka khajileyn ku dhaqanka sifahaasi bal qaarkood waabay xayaysiiyaan!
Magaca Saxaafadda Huruuda ah sidaas ayuu ku soo baxay ,waa warbaahin adeegsata nooc ka mida wargeyisyadda kuwaaso baahiya warar fadeexadda soo jiidasho bila akhlaaq iyo masuuliyad daro ah ,sido kale magacan waxaa lagu ligaxaa saxafiyiinta sifaha nocaas leh .

waxaan sido kale la sheega in waqtigaasi wargeyisyadii caanka ku noqday ay ku daabici jireen wararkooda waraaqo huruud ah oo jaban .
Maxamuud Askar

Load More Related Articles
Load More By admin
Load More In Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Axkaamta Soonka – Casharka koowaad

RAMADAAN KARIIM – Dhammaan akhyaarta bar bulsheedkan. Sidii caadada ii ahayd waxa aa…