Xuutiyiinta Oo Taageeray Soomaaliya Una Digay UAE

0
646 views
Xuutiyiinta Oo Taageeray Soomaaliya Una Digay UAE

Xuutiyiinta Oo Taageeray Soomaaliya Una Digay UAE

Hoggaamiyaha golaha kacaanka ee jabhadda Xuutiyiinta Yemen ayaa shaaca ka qaaday in ay barbar taaggan yihiin Soomaaliya. Kooxdan Shiicada ah ayaa hanjabaad kulul u dirtay dawladda Imaaraadka oo ay ugu baaqeen in ay faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya.

Mohamed Ali al-Houthi hoggaamiyaha Kacaanka Xuutiyiinta ayaa boggiisa Twitter-ka ku qoray farriinta uu u diray Muqdisho iyo Abu Dubai “ Waxaanu iclaaminayna in aanu taageersanahay walaalahayaga Soomaaliya waxaanan dawladda Imaaraadka uga digayna dhammaan ficilladeeda arrimaha Soomaaliya. Waxaanu Imaaraadka leenahay iska jira in aad nacasnimo ula tagtaan dadka xorta ah ee wakhti yar cashar lama ilaawaan ah ugu dhigay Maraykanka. Ku cibro qaata casharkan oo inta ay goori goor tahay iskaga taga Somalia,” Sidaas ayuu u yidhi bayaankiisa kooban hoggaamiyaha Xuutiyiintu.

Kooxdan taageerada ka hesha dawladda Iiraan ayaa dagaal kula jirta xulufadda Sucuudiga iyo Imaaraadku hoggaamiyeen ee duqaynta ka wada Yemen. Waxay muddooyinkii u dambeeyay gantaallo la beegsadeen caasimadda Sucuudiga waxaanay u muuqdan kuwo dhinac ka raacay xulufooyinka ku loolamaya Soomaaliya ee Qadar/ Turki iyo Imaraad/Sucuudiga.

Source: اخبار اليمن الحوثي يُعلن دعمه للصومال ويُحذّر الإمارات

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here