Xuska 18 May Oo Markii U Horaysay La Isku Khilaafsan Yahay

0
419 views
Xuska 18 May Oo Markii U Horaysay La Isku Khilaafsan Yahay

Xuska 18 May Oo Markii U Horaysay La Isku Khilaafsan Yahay

Maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May oo sanadkan ku began 27 guurada ka soo wareegtay markii Somaliland xorriyadeeda dib ula soo noqotay 18 May 1991 ayaa si weyn la isugu khilaafsan yahay. Dhawaaqyo is barbar yaac ah ayaa laga arkaya waddamada dibadda iyada oo jaaliyaduhu xusas kala duwan qabanqaabinayaan.

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa isna maanta taageerayaashiisa ugu baaqay in ay 18 May xusi doonan maalinta 18 May, islamarkaana aanay dheg u dhigin maalinta 15 May ee xukumaddu qorshaysay in la xuso maalinta Qarannimada oo xilligeeda laga soo hormariyay iyada oo Ramadaan awgeed loo soo qadimay.

Kala qaybsanaanta ka dhalatay doorashadii madaxtooyada ayaa wali laga dareemaya bulshada Somaliland waxaana sanadkan si habacsan u socota xuska 18 May iyada oo aan tabaabusha badan laga dareemayn bulshada sidii looga bartay.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.