Xuseen Axmed Caydiid Oo Ku Guulaystay Kursiga Wakiillada

0
1,240 views
Xuseen Axmed Caydiid Oo Ku Guulaystay Kursiga Wakiillada

Xuseen Axmed Caydiid Oo Ku Guulaystay Kursiga Wakiillada

Siyaasiga Xuseen Axmed Caydiid ayaa ku guulaystay kursiga golaha wakiillada ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Ibraahin Kacaan oo dhawaan geeriyooday. Kursigan waxa ku muransana Xuseen Axmed Caydiid iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta Maxamed Muuse Abees oo ahaa mudaneyaasha kaydka ah.

Ilo xogogaal ah ayaa Sayruuqnews u sheegay in Guddida doorashadu soo ogaysiisay Xuseen in uu buuxinayo kursiga bannaanaaday islamarkaana u qorayso warqadda xildhibaannimada. Xuseen ayaa Komishanka u jooga soo qaadashada warqadda.

Muranka maalmihii la soo dhaafay kursigan hadheeyay ayaa lagu sheegay mid siyaasadaysan oo ay riixayso xukumadda oo diidan in Xuseen Wakiillada galo. Wasiir xigeen Maxamed Muuse Abees ayaa si kulul u sheegay in kursiga uu isagu leeyahay.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com 

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here