Xulufada Sucuudiga Daaha Dabadiisa Ka Hagaya Isbedelka Geeska

Ereteriya Iyo Jabuuti Oo Noqonaya Dalalka Xiga Ee Boqorka Sucuudigu Heshiisiin Doono Kadib Markii shalay ay heshiiyeen Itoobiya & Ereteriya

0
330 views
Xulufada Sucuudiga Daaha Dabadiisa Ka Hagaya Isbedelka Geeska

Xulufada Sucuudiga Daaha Dabadiisa Ka Hagaya Isbedelka Geeska
Jidda(Sayruuq) Boqorka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdilcasiis, xoghayaha Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta Sheekh Cabdullaahi Bin Sayid Al-nahyaan ayaa shalay goob joog ka ahaa heshiis ay magaalada Jidda ee carriga Sucuudiga ku kala saxeexdeen hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo Ereteriya Dr Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki.

Munaasibadda lagu saxeexay heshiiskan oo uu dammaanad Qaaday Boqorka Sucuudiga waxa lagu saxeexay heshiis loogu magac daray heshiiskii nabadda ee Jidda hase ahaatee xog dheeraad ah lagama helin waxyaabaha uu ka kooban yahay heshiisku.

Warbaahinta dawladda Sucuudi Arabiya ayaa sheegtay in nuxurka heshiisku yahay “ In ay labada dal caasimadahooda ka kala furtaan safaarado, in dib loo soo celiyo adeegyada duullimaadyada iyo in dawladda Itoobiya loo ogolaado in ay isticmaasho dekedaha Ereteriya.”

Warsaxaafadeed ay soo saartay dawladda Boqortooyada Sucuudigu waxay si weyn u ammaantay hoggaamiyeyaasha Ereteriya iyo Itoobiya sida ay uga go’an tahay abuurista jawi cusub oo nabadeed kadib wakhti dheer oo colaad ahaa, islamarkaana ay u abuurayaan jawi horumar oo labada dal u ah dan waxaanu Boqor Salmaan labada hoggaamiye guddoonsiiyay bilad sare oo uu sheegay in ay dadaalkaas ku kasbadeen.

“Itoobiya iyo Ereteriya waxay qalinka ku duugeen Heshiiska Jidda kaas oo kor u qaadi doona xoojinna doona iskaashiga iyo is dhexgalka labada dal ee walaalaha ah. Waxa ay hoggaamiyeyaashu yidhaahdeen ‘Dagaalkii wuu dhammaaday, wakhti cusub oo nabadeed, saaxiibtinimo iyo iskaashi dhammaystiran ayaa bilaamay’ waxay hoggaamiyeyaashu isku raaceen maalgashi wada jir ah si loo xoojiyo iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal,” Sidaas ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.
Jabuuti iyo Ereteriya.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa markii kulanka heshiisku dhammaaday u sheegay saxaafadda Ereteriya iyo Jabuuti lagu heshiisiin doono Sucuudiga “ Dabayl rajo ayaa ka soo babanaysa Geeska Afrika. Noqon mayso kaliya heshiiska Ereteriya iyo Itoobiya ee waxa xaqiiqo ah in dhawaanna aynu halkan u wada joogi doono madaxweyneyaasha Jabuuti iyo Ereteriya oo labadooda dal col ahaayeen,” Sidaas ayuu yidhi Mr Guterres.

Wargeyska Maraykanka ee Washington Post ayaa sheegay in heshiiskani badka soo dhigay doorka Sucuudiga iyo Imaaraadku ku leeyahay isbedelka ka socda Geeska Africa, islamarkaana ay saamayn ku yeesheen gobolkan la dariska ah maaddaama ay ka dhexeeyaan dano muhiim ah oo dhanka dhaqaalaha iyo siyaasadda ah siiba marinada badda ee isu socodka dunida muhiimka u ah.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.