“Xukuumaddii Hore Raad Musuqmaasuq Bay Qaranka Kaga Tagtay,” Xil. Qabile

0
370 views

“Xukuumaddii Hore Raad Musuqmaasuq Bay Qaranka Kaga Tagtay,” Xil. Qabile
Hargeysa(Sayruuq):-Xildhibbaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay shacabka Somaliland uu la qabo dhaliilaha inta badan loo soo jeediyo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ee khuseeya in aan Madaxweynahu soo xulanin Gole Xukuumaddeed oo tayo badan, waxaana uu dhaliisha ugu weyn si gaara uu dusha uga saaray Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr.Sacad Cali Shire oo uu sheegay in uu ku fashilmay shaqaddii loo igmadey.

Xildhibbaan Maxamed Faarax Qabile, ayaa sidan ku sheegay wareysi gaara oo uu siiyey Wargeyska Waaberi, waxaana uu ugu horreyn soo jeediyey in dib u habeyn lagu sameeyo siyaasadaha arrimaha dibadda iyo ta gudaha ba oo uu aad u dhaliilsan yahay.

“Waxa ay ila tahay markii ugu horreysay difcadda uu soo saaray Madaxweynahu cidi may diidin e’ waa la baas gareeyey Golaha Wakiilada, Madaxweynahu na muddo ayuu joogay imika oo isaga ayaa qiimeynaya laakiin meelaha aadka loo dhaliilaayo wax ka mid ah wasiirkaa arrimaha dibadda oo kale oo loo arko in kaalintaasi faashil tahay, waa meelaha ugu muhiimsan ee la eegaayo, qiimeynta dhabta ah iyo canaanta cidda loo dirayaa uun waa dawladda cusub markaa Madaxweynaha isaga ayey u taalaa in uu qiimeeyo golahiisa wixii ay u qabteen se dadweynahu aragtida uun bay dhiibayaan, kolley rag siyaasadda ku cusub oo badani way jiraan, Madaxweynahu wuxu ku xusheyna isaga ayaa og, se illaa hada aragtida dadweynaha waan la qabaa in xilligan arrimaha gudaha iyo kuwa nabadeyntu ba inkasta oo taa Ceel-afweyn la inaga joojiyey se waxa aan qabaa in labadaa ba arrimaha dibadda iyo gudaha ba loo wajaho miisaan intaas ka weyn. “.Ayuu yidhi Xildhibbaan Maxamed Faarax Qabile.

Mudane Maxamed Faarax Qabile, waxa sida oo kale uu dhaliilay aragti uu sheegay in uu aaminsan yahay wasiirkii hore ee Madaxtooyada Md.Maxamuud Xaashi, taas oo sheegaysa in colaada Ceel-afweyn ay ka dhalatay xanaftii Doorashad, waxaana uu yidhi:-
“Madaxweynahu isaga ayaa Mucaarad iyo Muxaafad ba u ah Madaxweyne, arrinkaasi na wuu noo soo dhawaadey laakiin imika doorashada arrinteedu waa ay dhammaatay baan filayaa oo ma jirto xanaf sii taagan oo imika aan saari karo meesha laakiin se haddii dadku ay si qaldan u dhigaan. Markaa imika Maxamuud Xaashi oo kale waxa uu ku doodaayey isaga oo hore uga tirsanaa Xukuumaddii hore in arrinta Ceel-afweyn ay ka dhalatay xanaftii Doorashada se aan anigu qabo in ay wax ka duwan ahayd, markaa marka qaabkaas loo siyaasadeynaayo arrin qaldan bay ahayd se waxa aan qabaa in arrinkaasi sidaas uu ku higalay oo doorashadaas na lagu kala bogsadey, maanta na cid leh kursiga Muuse Biixi qalad buu ku joogaa lihi dee ma jirto, markaa dagaalka Ceel-afweyn sannad iyo badh buu ka horreeye Doorashada, markaa qeybsanaan doorashada ka dhalatay looma aaneyn karo.”.

Xildhibbaan Qabile, waxa kale oo uu sheegay in dawladdii hore ee Xukuumaddii Siilaanyo ay dalka kaga tagtay raadad badan oo uu sheegay in ay iskugu jiraan kuwo musuq-maasuq iyo kuwo kale oo bulsheed ba, waxaana uu yidhi:- “Waxa aan qabaa Xukuumaddii hore ama arrin musuqmaasuq ha noqoto ama arrimo kale oo kuwa bulshada ah ha noqotee, waxa weeye raad badan bay kaga tagtay geedi socodkii qaranimada Somaliland.”.

Xildhibbaanku, waxa ugu dambeyntii uu sheegay in Xisbiga WADDANI uu difaacay dooda Xisbiga WADDANI ee baadhitaanka khaladaadkii ka dhacay Doorashada isaga oo Madaxweynaha na ugu baaqey in uu arrintaas dhex ka noqdo, waxaana uu yidhi:- “Anigu uma arko in WADDANI uu illaa hada wado muran kursi, doorashada na waa lagu kala calaf qaadey, laakiin se arrinka laga hadlayaa waa Komishanka, Komishanku na waa uu soo jeedin karaa in aanay caddaalad ahayn, keliya marka miiska la wada yimaado waxa loo baahan yahay in la helo caddeymo sax ah, Madaxweynahu na uu dhex-dhexaad ka noqdo arrintaas.”.
Source: Wargeyska Waaberi

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.