Xukuumadda Oo Ka Walaacsan Ammaanka Sanaag & Siyaasiyiin Ku Canaantey in ay Arrinta Caarre Ka Reebtay Hehiiska Ceel-afweyn

0
455 views
Madaxweynaha Oo Laba Jeer diiday Xalinta Arinta Caare

Xukuumadda Oo Ka Walaacsan Ammaanka Sanaag & Siyaasiyiin Ku Canaantey in ay Arrinta Caarre Ka Reebtay Hehiiska Ceel-afweyn
Ceerigaabo(Sayruuq):-Xaaladda ammaan ee gobalka Sanaag, ayaa u muuqata mid sii xumaaneysa marba marka ka dambeysa ka dib markii dhawaan ay koox dabley ahi gudaha Ceerigaabo ay ka dhaceen gaadiid kala duwan iyo weli ba sida oo kale jabhadda uu sameeyey Korneylka lagu magacaabo Caarre oo iyada na loogga walaacsan yahay dhinaca ammaanka ee gobalkaasi.
Badhasaabka ku-xigeenka gobalka Sanaag Ismaaciil Cabdi Xasan oo warbaahinta la hadlay, ayaa ka deyriyey xaaladda ammaan ee gobalka oo uu baqo ka muujiyey in ay aad u sii xumaato maadaama si toos ah loo kala dhacaayo gaadiidka u kala gooshaya gobalkaasi, waxaana uu ku baaqey in xaaladda la dejiyo.
“Haddana wey xun tahay Ceerigaabo run marka aan idiin sheego, waad aragteen oo waxa weeye inagii oo is wada garanayna ayeynu Gawaadhidii la baxsanaynaa oo halkan ka wareejinaynaa wax ina anfacana maaha, marka aan hebel garanayo oo aan Gaadhigiisa kaxaysanayo, Damiir miyaanan lahayn maxaan ahay,xageen ku socdaa miyaan wadanka weligii la wada joogayn, miyeynaan reer Ceerigaabo ahayn, miyeynaan is garanayn , cidkale oo meel inagaga soo duushay ma jirto , aad iyo aad ayey u xuntahay illaahay nabad-gelyo ha ina siiyo .” Ayuu yidhi Ismaaciil Cabdi Xasan.
Ismaaciil Cabdi Xasan. Waxa sid oo kale uu sheegay in nabada sii xumaanaysa ee Ceerigaabo loo dhanyahay, sida uu haddalka u dhigay, waxaanu sheegay inay dowladu wax ka qabanayso “Illaahay Nabad-gelyo ha ina siiyo aad iyo aad ayey u xuntahay run ahaantii, wax khaldana weeye sheeko loo wada dhanyahayn weeye, waa baruur ina wada qudh-minaysa dhammaanteenba haddii aynu reer Ceerigaabo nahay, waxan wax dhacaya insha allaah taana waa lagu talo jiraa sidii wax looga qaban lahaa .” Ismaaciil Cabdi Xasan
Xukumadda Oo Lagu Dhalliilay Arrinta Caarre
Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Yuusuf(Sheekhul Axmar) oo shalay saxaafadda kula hadlay Hargeysa waxa uu xukumadda ku dhalliilay in ay xallintii colaadda Ceelafweyn ka reebtay Kornayl Caarre “Nin oday ah oo ka mid ahaa xeer beegtidii xallinta Ceelafweyn ayaan waydiiyay sababta heshiiska loogu dari waayay arrinta Caarre waxaanu sheegay in aanay markii hore ajandaha ku jirin laakiin, markii meel dhexe la marayay la damcay in lagu daro laakiin, xukumaddu tidhi taasi waa arrin Ciidan oo anagay noo taalla..,” Sidaas ayuu yidhi Mr Cabdirashiid oo arrintaasi ku dhalliilay xukumadda waxaanu intaasi ku daray “Anigu Caarre ma aqaan laakiin, ragga yaqaan wuxuu ahaa nin caaqiibo leh oo ciidanka ku wanaagsan oo tayo leh ayuu ahaa, waxa uu sheeganayaana marka aanu xogogaal waraysanay wuxuu ka cabanaya rag xukumadda ka mid ah oo wasiirro leh oo hebelo leh ayuu ka cabanaya oo uu ka tagay ee ha doonto xukumaddu.”
Axmed Yuusuf Yaasiin Madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland oo ka mid ahaa xeer beegtidii nabadda gunudday ayaa hore u sheegay in xukumaddu u sheegtay ergada in kiiska Caarre yahay mid ciidan oo sharciga ciidanka lagu xallin doono.
Cabdillaahi Geeljire oo ka tirsan xisbiga Kulmiye waxa uu sheegay in ay Qaranka ceeb ku tahay maqnaanshaha Caarre oo wax badan dalka u soo taray “Jabhadda Caarre la tallaabay horta arrintaasi waxay marka horeba ka dhalatay arrintii Ceelafweyn ninkana wuxuu ahaa nin taariikh ku dhex leh waddanka haddii ay Jabhaddii(SNM) tahay iyo haddii ay ciidanka tahayba waxna ka cabanayay,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Cabdillaahi Geeljire oo madaxweynaha ugu baaqay in uu wada hadal ku dhammeeyo arrinta Caarre isaga oo kaashanaya beeshiisa iyo waxgaradka arrintaasi wax ka qaban kara.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.