Xukunka Naciima Qorane Oo La Dhalliilay

0
287 views
Xukunka aFadeexad: Falal Lagula Kacay Naciima Abwaan Qorane Muddadii Ay XidhnaydNaciima Qorane Oo La Dhalliilay

Xukunka Naciima Qorane Oo La Dhalliilay

Maxkamadda gobolka Maroodijeex ee Somaliland ayaa 3 sannadood oo xadhig ah ku xukuntay Abwaanad Naciima Abwaan Qorane. Ciidamada Sirdoonka ayaa Naciima ku xidhay madaarka caalamiga ah ee Cigaal 27 January iyada oo ku sii jeeda magaalada Muqdisho oo ay sanadihii u dambeeyay ku noolayd.

Xeer ilaalinta ayaa ku soo oogay laba eedood oo kala ah; falal qaranka ka dhan ah oo muwaadin dalka dibaddiisa ka sameeyo iyo Khiyaamo Qaran ama ceebayn ay kula kacday Somaliland oo ay doonaysay in ay Somaliland u aragto gobol ka mid ah Soomaaliya. Eedda ah ceebaynta Qaranka ayay maxkamaddu ku heshay Naciima waxaanay gaadhay in muddo 3 sannadood ah lagu xukumo.

Xarunta xuquuqal iisaanka madaxa bannaan ee HRC oo fadhigeedu yahay Hargeysa ayaa walaac ka muujisay xukunka Naciima. Xarunta ayaa sheegaysa in dambiga lagu helay yahay aragtideeda oo ay cambirtay, islamarkaana Dastuurku damaanad qaadayo cabiridda rayiga.

Xaruntan ayaa xukumadda ku boorrisay in ay dib u eegto xukunka Naciima, sidoo kale baraha bulshada ayaa lagu dhalliilay xukunka lagu riday Naciima Abwaan Qoran.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here