“Xukumaddu Ma Jecla In Xuseen Golaha Galo,” Dr Cirro

0
659 views
Dr Cirro Oo La Waydiiyay Sababta Aanu Somalia Ugu Jawaabin

“Xukumaddu Ma Jecla In Xuseen Golaha Galo,” Dr Cirro

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ka hadlay muran ka taaggan jagada golaha wakiillada ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ibraahin Kacaan oo dhawaan geeriyooday. Waxa uu Dr Cirro layaab ku tilmaamay in guddida doorashooyinku Maxkamadda sare gayso magacyada Xuseen Axmed Caydiid, Maxamed Muuse Abees iyo Marxuum Ibraahin Kacaan kana dalbadaan in maxkamaddu caddayso cidda kursiga xaq u leh.

Dr Cirro wuxuu sheegay in guddida doorashadu ka leexanayso nidaamka sharci ee ay tahay in loo soo buuxiyo jagada ka bannaanaata golaha iyada oo horena kuraas badan oo bannaanaatay la soo buuxiyay. Waxa uu la yaab ku tilmaamay in xogtii Komishanku hayay ay waydiistaan maxkamaddu in ay kala caddayso maaddaama xogta maxkamadda taalla tahay tii Komishanku u gudbiyay.

Waxa uu ka digay in wax faro gelin ah lagu sameeyo arrinta waxaanu sheegay in uu jiro tuhun ah in xukumaddu aanay jeclayn in Xuseen Axmed Caydiid soo galo golaha, sidaas awgeedna ay muranka u abuurayso waxaanu ku baaqay in si caddaalad ah loo siiyo cidda kursigaasi xaqa u leh.

Siyaasiga Xuseen Axmed Caydiid iyo Maxamed Muuse Abees wasiir xigeenka warfaafinta ayaa muran saxaafadda gaadhay ku dhex maray kursigan lnkasta oo ay dhawr jeer soo baxday in Xuseen Axmed Caydiid yahay kan xaqa u leh kursiga haddana ugu dambeyn waxa la sugaya Maxkamaddu waxa ay ku go’aamiso arrintan.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.