“Xukumaddani Anigoo Muxaafad Ah Bay I Xidhay,” Buurmadow

0
1,197 views
Buurmadow Oo Ka Hadlay Mawqifka Beeshiisa Ee Dhexdhexaadinta Ceelafweyn
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow

“Xukumaddani Anigoo Muxaafad Ah Bay I Xidhay,” Buurmadow

Hargeysa(Sayruuq) Waxa shalay Maxkamadda racfaanka ee Hargeysa ka bilaamay dacwadda Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo racfaan ka qaatay xukun 5 sanno ah 26 April lagu riday. Buurmadow oo ay difaacayaan 3 Qareen waxa dacwad ku oogaya laba Qareen oo xeer ilaalinta ku socda waxaanu ku eedaysan yahay in uu madaxweynaha been farriimay hadallo Qaranka lid ku ahna uu ka jeediyay Puntland laakiin, Qareennadiisu niyad samaan ayay ka muujiyeen sida dhegaysiga racfaanka oo fadhiga xiga Sabtida yahay u socdo.

Boqor Buurmadow ayaa hadal u muuqda ka shallayn taageeradiisa madaxweyne Biixi u sheegay wariye Badri Koosaar oo xabsiga ku bookhday waxaanu ku yidhi “Badriyaw Dawladihii hore Waxay i Xidhi Jireen Anigoo Mucaarid ku ah lkn Dawladani waxay i xidhay Anigoo Muxaafid Ah.”

Boqor Buurmadow waxa xidhay madaxweyneyaashii hore Axmed Siilaanyo iyo Daahir Riyaale oo uu nidaamyadooda mucaaradad kala hor yimid laakiin, madaxweyne Biixi wuxuu ku soo taageeray in la doorto ilaa haddana lama arag mucaaradad muuqata oo uu kala hor yimid marka laga reebo in uu dalbaday in madaxweyne Biixi ku soo wareejiyo guddoomiyaha Kulmiye beesha uu Boqorku ka soo jeedo.

Dr Cabdiraxmaan Cirro ayaa dhawaan sheegay in xadhigga Boqor Buurmadow yahay mid  siyaasadaysan oo ka duwan arrimaha lagu soo eedeeyay isaga oo ula jeeda in laga qaniinay godka ah soo wareejinta kursiga guddoomiyaha.

Waxa hadda jira codsiyo ku saabsan in madaxweynuhu cafis u fidiyo Boqor Buurmadow laakiin, waxa la eegaya go’aanka ka soo baxa maxkamadda racfaanka.

Saddex Qodob Oo Loo Cuskaday Xukunka Buurmadow

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.