“Xukumadda Waxaan Leeyahay Ha Igu Mashquulina Magacna Ha Ii Samaynina Sidii Ina Qorane,” Prof Cabdi Cali

0
632 views
Ma Lagu Odhan Karaa...?Prof Cabdi Cali Jaamac
Prof Cabdi Cali Jaamac

“Xukumadda Waxaan Leeyahay Ha Igu Mashquulina Magacna Ha Ii Samaynina Sidii Ina Qorane,” Prof Cabdi Cali

Waxan si xoog ah u canbaaraynayaa in Golaha wakiiladu meel marin waayay go’aankiisii hore ee ahaa in Haamaha shidaalka lagu soo celiyo gacanta dawladda.

Marka laga yimaaddo shidaalkii kharibnaa ee ay keeneen waddanka ee khasaaraha weyn inoo geystay, nabadgalyada Qarankana halis galiyay, haddii aan idinla wadaago mawduucan iyo dooddiisa cilmiga ah, aniga iyo dadka kale ee aqoonta leh, ee aamusan, waad yaabi lahaydeen!!!!!!

Anigoo ka duulaya talooyinkiinii qiimaha lahaa ee aad i siinayseen maalmahan, oo ay ugu badnayd in aan aqoontayda kaga hadlo mashaakilka waddanka; waxan soo diyaarin doonaa lecture cilmiga dhaqaalaha ah oo aan shiishka ku saarayo Haamaha shidaalka iyo suuqa shidaalka.

Qolyaha xukuumadda waxan odhan lahaa walaalayaal, ha igu mashquulina, magacna ha i samaynina sidii yartii Ina Qorane. Wallahi siyaasad uguma jeedo, waajibkayga waddaniga ah ayaan qabsanayaa. Waxanan qabaa immika in aan xukuumadda u hadlayo, maadaama aan leeyahay ha lagu soo wareejiyo haamaha oo dakhli badani ka soo gali jiray khasnaddda dhexe ee dawladda.

Qolooyinka kale ee aanu isku constituency-ga nahay ee iyaguna hadalka igu gujiya, waxan leeyahay walaal ma aha tani xukuumaddi tolka ee waa xukuumadii ummadda; taasi ma daliil bay u baahan tahay; saw xil-ka tegistaydii kuguma filna. Dee bal waa cidda lagu helo isagoo dadka ku harawsanaya reernimo.

Teeda kale, maxaad ka baqanaysaan dabeecadba uma lihi in aan caayo ama ammaano guddoomiyayaasha xisbiyada iyo madaxweynaahaasha; bal car soo hel qoraal ama hadal aan ku ammaanayo ama aan ku caayayo guddoomiye xisbi ama madaxweyne, macal kuwaan taageersanaa. Ma garanayo intaan xasuusto ammaan ama cey noocaas ah. Dabeecad uma lihi arrintaas. Nin walba waxbaa lagu yaqaanaaye ,ee haddii aanan is-moodsiis ku noolayn, aniga waxa laygu yaqaan in aan wax lafo-guro ama taxliiliyo.

Haddii fikir ama lafa-gur la diidan yahayna, dee taas lafteeda ayaaba u baahan in aan lecture ka jeediyo; macnaha xorriyada fikirka iyo ra’yi dhiibashada oo ah xaq dastuuri ah; taas waxan u aqaan khad cas. Muwaadin-ka xalaasha ahi wuu garanayaa taas, munaafaqna loo sheegi maayo.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.