Xukumadda Somaliland Oo Xannibaysa Baraha Bulshada Inta Imtixaanku Socdo

0
326 views
Xukumadda Somaliland Oo Xannibaysa Baraha Bulshada Inta Imtixaanku Socdo

Xukumadda Somaliland Oo Xannibaysa Baraha Bulshada Inta Imtixaanku Socdo

Hargeysa(Sayruuq)Shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen wasiirka waxbarashada Somaliland, guddoomiyaha xafiiska Imtixaanaadka iyo wasiirka Isgaadhsiinta waxay ku sheegeen in saacadaha uu socdo Imtixaanku la xidhayo baraha bulshadu ku xidhiidho ee Internet-ka waana markii u horaysay ee Somaliland Internetka loo xannibo imtixaanka.

Wasiir Faratoon iyo guddoomiyaha Imtixaanaadka Daa’uud Gadhweyne ayaa sheegay in arrintani wax weyn ka tarayso xalaalnimada natiijada Imtixaanaadka, islamarkaana aanay suuro gal ahayn in dad ka faa’iidaystay baraha bulshada oo qishka la iskugu diray safka hore ka galaan natiijada.

Waa sanadkii labaad ee xidhiidh ah oo si weyn loo adkeeyay in ardaydu imtixaanka kala eegato ama siyaabo kale u qishto.

 

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.