Xukumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Madaxweynaha Galmudug Oo Shalay 5 Saacdood Ku Xannibnaa Madaarka Hargeysa

0
147 views

Hargeysa(Sayruuq) Dawladda Somaliland ayaa meesha ka saartay in dawladda Federaalka Soomaaliya ka dambeysay in uu muddo ku xayirnaado madaarka Hargeysa madaxweynaha maamulka Soomaaliya ee Galmudug Mr Axmed Ducaale Xaaf. Wasaaradda duulista Somaliland ayaa sheegtay in ay goor dambe ka war heleen ninkaasi oo Transit ku ahaa madaarka Hargeysa in uu yahay Madaxweyne.

Agaasimaha wasaaradda duulista Cumar Sayid ayaa sheegay in aanay arrintani ku lug lahayn amar ay bixisay dawladda Soomaaliya “Ninkaasi(Madaxweyne Xaaf) wuxuu ka yimid Dubay, wuxuu la socday diyaaradda Fly Dubai, Madaarka Hargeysa waxa uu ku ahaa transit oo qof rakaab ah ayaanu u arkaynay waxa la geeyay qolka VIP-da oo qolyo shirkaddaha diyaaraddaha maxalliga ah ayaa waday ee mar dambe ayuun baanu ogaanay in uu yahay ninka sheegta Madaxweynaha maamulka Galmudug,” Sidaas ayuu yidhi agaasimuhu.

Waxa uu sheegay in diyaarad dhawr goor si sharci darro ah u soo gashay Somaliland soo fadhiisatay madaarka Hargeysa si ay u qaado Mr Xaaf “Waxa hawada Somaliland si sharci darro ah u soo gashay diyaarad aan ogolaansho ka haysan wasaaradda duulista Hawada, diyaaraddaas oo markii hore ka degtay madaarka Buuhoodle, mar labaadkiina ka soo kacday oo madaarka Hargeysa timid, marka diyaaraddaas sharci darrada ku timid oo marar horena Buuhoodle timid oo aanu uga dignay in ay Somaliland ogolaansho la’aan ku soo gasho oo aanu raadinaynay ayaa Madaarka Hargeysa lagu qabtay, marka shirkaddoodii ayaa lala hadlayay warqadana waa laga saxeexayay marka intaas ayaa qaadatay afar ama shan saacdood, markii shuruucda la dhammaystirayna diyaaraddii waanu fasaxnay oo sidaas ayay ku qaaday ninkaas Madaxweynaha ah,” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Duulista.

Agaasimaha guud ee wasaaradda duulista Somaliland waxa uu sheegay in aanay marnaba arrintaasi la xidhiidhin amar ay bixisay xukumadda Soomaaliya oo laga qaatay Madaarka Hargeysa, islamarkaana ay Somaliland iyo Soomaaliya yihiin dalal daris ah oo 27 sanno kala maqna. Waxa uu sheegay in aanay hawl u taalla ahayn khilaafka u dhexeeya xukumadda Muqdisho iyo maamulka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf oo ka yimid Imaaraadka Carabta waxa uu ku sii jeeday gobolka uu ka taliyo isaga oo ka baydhaya magaalada Muqdisho laakiin, wasaaradda duulista Soomaaliya ayaa warqad u soo dirtay diyaaradda siday Mr Xaaf, waxaanay ku tidhi  “waa in aad joojiso duulimaadkaaga ka imanaya Hargeysa ee ku wajahan Gaalkacayo ama Cadaado sababo farsamo darteed,” waxaana ammarkaasi qaadatay diyaaradda oo joojisay in ay dhammaystirto socdaalka Mr Xaaf, waxaanu sidaasi ku dalbaday diyaaradda markii dambe qaaday.

Madaxweyne Xaaf ayaa dhawaan ku gacan-saydhay go’aanka Soomaaliya ka qaadatay khilaafka waddamada khaliijka Carabta, waxaanu taageeray Imaaraadka iyo Sucuudiga isaga oo xidhiidhka u jaray Qadar. Arrintani waxay kalliftay khilaaf u dhexeeya madaxweyne Xaaf iyo Xukumadda Muqdisho.

Hargeysa-Somaliland

Sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.