Xukumadda Somaliland Oo Bedelaysa Lambarrada Baabuurta

0
494 views
3 Arrimood Oo Sabab U Ah In Somaliland Labadii Cishaba Hal Qof Shil Gaadhi Ku Dhinto

Xukumadda Somaliland Oo Bedelaysa Lambarrada Baabuurta
Hargeysa(Sayruuq) Xukumadda Somaliland ayaa isbedel ku samaynaysa taarikada baabuurta iyada oo qorshaynaysa in lambarada loo bedelo xuruuf ku salaysan hannaan gobolaysan. Arrintan ayaa ka dhalatay markii qiimaha baabuurta lagu saleeyay sida ay u kala lambar dambeeyeen lagana tagay in baabuurta lagu qiimeeyo nooca gaadhiga iyo tayadiisa.
Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta waddooyinka Cabdillaahi Abokor ayaa sheegay in la qarin doono lambarka gaadhiga, islamarkaana wasaaradda oo kaliyi ogaan doonto xilliga gaadhigu soo galay dalka “Qolyihiina Isbeer Baadhleyaasha cabasho badan baa ka jirtay lambarada gaadiidka iyo baabuurta dalka soo galaysa oo noqday nooc kastaba dalka in la keeno, marka culays dhaqaale ayuu ku keenay gaadiidkii aynu naqaanay Spare Part-giisa inta badan ma yimaadaan, waxaanu idiin ballanqaadayna in dhawaan la bedeli doono Taarikada(plate Number) ama sumadda gaadiidka taas oo dhimi doonta tiradan badan ee gaadiidka ee ordaysa,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Abokor.
Waxa uu intaasi raaciyay waxyaabaha lagu saleeyo sida baabuurtu u kala qiimo badan tahay “Maanta baabuurteenu waxay ku dhawday boqol kun oo gaadhi. Lambarra lagu iibiya ee gaadhigii laguma iibiyo tayo tayadiisa, laguma iibiyo noociisa, laguma iibiyo xaaladda gaadhiga laakiin, gaadhigii lambar baa lagu iibiya. Gaadhigii 20 jirka ahaa iyo gaadhigii 5 jirka ahaa waxa qiimaha u samaynaya waa lambarka, kaasna waa arrin aan wanaagsanayn oo ay sabab u yihiin nimanka dillaalliinta ah, marka si aynu taa uga hor tagno waxaanu rajaynayna in bisha soo socota ay inoo dhaqan gali doonto lambarro cusub oo ku salaysnaan doona gobollo iyo xuruuf. Wasaaradda iyo shaqaalaheeda ayuun baa ogaan doona gaadhigu wakhtiga uu soo galay dalka,” Sidaas ayuu yidhi wasiirku.
Waxa uu intaasi ku daray in nidaamka cusub keenayo in gaadhiga noociisa iyo tayadiisa lagu iibsado halkii sida ay u kala lambar dambeeyeen loogu kala jecla “Gaadhiga waxa lagu iibsan doona noociisa(model) iyo tayadiisa,” Sidaas ayuu yidhi wasiirka oo ka hadlayay munaasibad shirkad ku shaqa leh baabuurtu ku abaalmarinaysay shaqaalaheeda.
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.