Xukumadda Oo U Hanjabtay Qurbejoogta Mucaarada

0
163 views
Xukumadda Oo U Hanjabtay Qurbejoogta Mucaarada
Wasiirka maaliyadda

Xukumadda Oo U Hanjabtay Qurbejoogta Mucaarada
Burco(Sayruuq) Wasiirka Maaliyadda Somaliland mudane Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa ku dooday hadal uu Isniintii yidhi in aanu ula jeedin Kornayl Caarre oo Somaliland ka goostay una galay Puntland. Weedho weedho aflagaado ah oo wasiirku ka sheegay munaasibad lagu daahfurayay mashruuc laga qabanayo gobolka Daadmadheedh ayaa loo arkay in uu ula jeeday saraakiil Somaliland ka goostay oo jooga dhanka Puntland.

Kornayl Caarre oo ka tirsanaan jiray hoggaanka ciidamada Somaliland ayaa waraysi uu dhawaan saxaafadda siiyay ku sheegay in maamulka Puntland siiyay saldhig Ciidan, islamarkaana uu Somaliland la galayo dagaal ku saabsan wuxuu ugu yeedhay caddaalad in la helo.

Wasiirka oo dorraad xaflad ka hadlayay ayaa sheegay in ammaanka iyo horumarku isku xidhan yahay waxaanu soo qaaday saraakiisha Puntland u goostay “ Waxaynu marayna 2018, ma dhacayso suuro galna maaha in dad Sirkhaamiin ah ama khambriye cab ah inoo taliyaan oo ay yidhaahdaan ‘Maamul goboleedka Puntland baanu tagayna dalka ayaanu soo weerarayna’ taasi ma dhacayso oo way dhammaatay,” Sidaas ayaa hadalka wasiirka ka mid ahayd waxaanu intaasi ku daray in ay tahay wakhtigii ay talinaysay aqoonta.

Wasiirka ayaa shalay saxaafaddu magaalada Burco ku waydiisay sababta uu aflagaadada ugu gaystay Kornayl Caarre iyo saraakiisha la goosatay waxaanu sheegay in aanu cidna gaar u tilmaamin “Meel aan Kornayl magaciisa ku magacaabay ma jirto, qofka leh Kornayl baad magacowdayna isaga sheegi laakiin, waxaan idiin sheegaya xilliga la jooga waa xilligii Samaha, caqliga, aqoonta, wanaagga iyo hormuudku shaqaynayo, xilligii uu shaqaynayay dadka dib u socodka ahi way dhammaadeen, anigu qof aan sheegay oo aan kaligii gaar ula baxay ma jirto,” sidaas ayuu yidhi wasiirku laakiin, dadka oo ujeedada hadalkiisa u qaatay in uu Caarre aflagaadeeyay ayaa si weyn loogu arkayay iyada oo baraha bulshada lagu qaada dhigayo hadalka wasiirka.

Geesta kale waxa uu wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi hanjabaad u diray dad qurbaha jooga iyo kuwo baraha bulshada wax ku qora oo uu sheegay in ay kala qaybiyaan bulshada “U dulqaadan mayno in baraha bulshada dadka laga soo abaabulo, inammo yaryar oo Yurub jooga liisaskooda iyo magacyadooda waanu hayna, lacagta caydha ee ay qaatana waanu ognahay dalalka ay ka qaatana ma ogola in ay Somaliland dumiyaan waana kuwa Somaliland hadh iyo habeen caawinaya shuruucdooda u yaalla dalalka reer Galbeedka haddii ay Yurub tahay iyo hadday waqooyiga Maraykanka tahay ma ogola in dalalka la burburiyo,” Sidaas ayuu yidhi wasiirka maaliyadda Somaliland.
Dadka ka dareen celiyay weedhaha wasiirka ayaa ku dhalliilay in hawlaha dhaqaalaha dalka iyo sicir bararku u baahan yihiin wax ka qabasho kuwaas oo shaqadiisa ah.
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.