Xukumadda Oo Shirkaddii Ammaanka Madaarka U Diiday In Shirkadaha Diyaaradaha Ka Urursato Boqolaal Kun Oo Dayn Ah

0
578 views
Xukumadda Oo Shirkaddii Ammaanka Madaarka U Diiday In Shirkadaha Diyaaradaha Ka Urursato Boqolaal Kun Oo Dayn Ah
Maareeyaha Hay`adda Madaaradda Somaliland

Xukumadda Oo Shirkaddii Ammaanka Madaarka U Diiday In Shirkadaha Diyaaradaha Ka Urursato Boqolaal Kun Oo Dayn Ah
Maareeyaha guud ee hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland Duuliye Sare Cabdi Maxamed Rodal, ayaa warqad uu qoray ku hor istaagay lacago deymo ah oo gaadhaya boqolaal kun oo dollar isla mar ahaantaana shirkaddii hore u qaabilsaneyd Ammaanka Madaarka Hargeysa ee S.R.M ay ku lahayd shirkadaha Duulimaadyada ee ka hawl-gala Madaarada Somaliland.

Wargeyska Waaberi, ayaa helay warqad uu sidan ku sheegay Maareeye Rodal oo uu u qoray shirkadaha Diyaaradaha ee Somaliland, waxaana uu amar ku siiyey in ay shirkadda S.R.M ay ka joojiyaan lacagihii ay qaadi jirtay iyo weli ba sida oo kale in ay siiyaan lacagahii hore ee deymaha ku ahaa shirkadahaas.

Maareeye Rodal, ayaa warqadda uu u qoray shirkadaha Duulimaadyada ku doodey in ay xisaabtamayaan shirkadda S.R.M isla mar ahaantaana shirkaddii wax lacag ah siisaa ay iyadu ka mas’uul tahay wixii qalad ah ee ka yimaada.

Lacagta Maareeyahu ka joojiyey shirkadda S.R.M, ayaa ah lacag shirkaddu ay ammaan(Sucurity Charges)ahaan uga qaadi jirtay shirkaddaha Diyaaradaha ee Isticmaala Madaarka Hargeysa, waxaana sida uu noo xaqiijiyey mid ka mid ah madaxda shirkadaha Duulimaadyadu uu sheegay in dhaqaalaha lacagtaas uu joojiyey Maareeye Rodal ay gaadheyso dhaqaale dhan dhowr boqol oo kun oo Dollar oo ay shirkaddu deyn ahaan ugu lahayd shirkadaha Diyaaradaha Somaliland.

Nuxurka warqadda uu Maareye Rodal ka soo saarey lacagahaas, ayaa ahayd sidan:-

“Aniga oo tix-raacaya wareegtadii Madaxweynaha ee ku taariikhaysnaa 11/08/2018 ee sumaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-178/082018.

Sidaa darteed waxaa leydin farayaa in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 12/08/2018 in aad ka joojisaan shirkadda S.R.M lacagtii ay qaadi jirtey ee Sucurity Charges’-ka lacagtaas oo saaran tigidhada aad qabtaan.

Shirkadda ku wareejisa wax lacag ah shirkadda S.R.M ha noqoto lacago hore ama mid cusub iyadaa ka masuul ah illaa inta ay xisaabtamayaan shirkadda S.R,M iyo hay’adda Duulistu.”.

Qoraalkan, ayaa waxa ku saxeexnaa Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland

Wargeyska Waaberi

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.