Xukumadda Oo Sharraxday Qalabka Telefoonnada Lagu Dhegaysanayo

0
509 views
Xukumadda Oo Sharraxday Qalabka Telefoonnada Lagu Dhegaysanayo

Xukumadda Oo Sharraxday Qalabka Telefoonnada Lagu Dhegaysanayo
Wasiirka isgaadhsiinta Somaliland Prof Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi Jibriil ayaa faahfaahin ka bixiyay qalab soo qabanayo wada hadalka bulshada ee telefoonnada ku dhexmara. Waxa uu sheegay in qalabkan ay wasaaraddu soo iibsatay sahlayo in xukumaddu ogaato tayada isgaadhsiinta oo ay ogaan karaan in dadka khadku ka go-go’o marka ay hadlayaan iyo inta call ee la sameeyo.
“Qalabkan Qaranka leh oo waxa iibsatay wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyada Somaliland. Marka la leeyahay waa la dhegaysanaya waxay u baahan tahay active system oo markiiba qofku marka uu call-ka sameeyo duubaya laakiin, anagu system-ka aanu iibsanay waa passive waa wax dhacay oo taariikh ah waxaanu xoogga saaraya codka iyo traffic-ga inta dhacday,” Sidaas ayuu yidhi wasiirku.
Wasiirka ayaa sheegay in xogta shirkaddaha isgaadhsiintu ku soo dhacayso qalabkan ay soo iibsadeen iyada oo aan ahayn marka ay telefoonnada lagu wada hadlaya socdaan laakiin, iyaga oo duuban qalabku helayo sida laga dareemayo hadalkiisa.
Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa shalay sheegay in xukumaddu dalka keentay shirkad u dejinaysa qalab lagu dhegaysto codka bulshada siiba mucaaradka

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.