Xukumadda Oo Shaacisay Magaca Shirkadda Shidaalka Wakhaysan Keentay

0
1,173 views
Wasiir Ka Hadlay Nidaam Xumo Ka Dhex Jirta Shaqaalaha Dawladda

Xukumadda Oo Shaacisay Magaca Shirkadda Shidaalka Wakhaysan Keentay

Xukumadda Somaliland ayaa Shirkadda Shidaalka ee Red Sea kusoo rogtay ganaax dhan $355,500 maaddaama ay dalka soo gelisay Shidaal Wasakhaysan. Sidoo kale Shaybaadhka Shidaalka ee Berbera waxaa lagu ganaaxay $355,500 Maaddaama oo uu bixiyey ogolaanshaha lagu sii daayayey Shidaalka Wasakhaysan sida uu sheegay Wasiirka Ganacsiga Somaliland.

Wasiirka ganacsiga ayaa labadan shirkadood amray in ay si degdeg ah lacagtan ugu shubaan wasaaradda maaliyadda, islamarkaana wasaaradda ku boorriyay in ay daba gasho bixinta lacagtaasi.

Waxa uu shirkadaha ku eedeeyay in iyaga oo og in shidaalku wasakhaysan yahay ay ula badheedheen in ay ku shubaan Kaydka Haamaha Shidaalka ee Berbera.

Dhegayso Warka Wasiirka Ganacsiga

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.