Xukumadda Oo Shaacisay Lacagta Ku Baxday Jidka Ceerigaabo

0
370 views
Xukumadda Oo Shaacisay Lacagta Ku Baxday Jidka Ceerigaabo

Xukumadda Oo Shaacisay Lacagta Ku Baxday Jidka Ceerigaabo
Waxaa shalay si rasmi ah loo furay waddada muhiimka ah ee isku xidha magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo iyo degmada Ceel-Afweyn ee Jahmuuriyadda Somaliland.

Waddadan laamiga ah oo dheereerkeedu yahay 86KM waxaa xadhiga ka jaray wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta waddooyinka Somaliland Cabdillaahi Abokor.

Waddada Ceerigaabo iyo Ceel-Afweyn ayaa qayb ka ah mashruuca dhismaha laamiga ilaa magaalada Burco oo dhan 284 kilomitar.

Waa mashruuca ugu wayn ee halkaasi laga bilaaabay oo shanti sanno ee la soo dhaafay soo socday, waxaana ilaa iyo haatan ku baxay 22 milyan oo doolar.

Dadka deegaanka ayaa weriyaha BBC-da Axmed Saciid Cige u sheegay in markii hore shacabka deegaanka ay 12 saacaadood ku qaadan jirtay waddada Ceerigaabo iyo Ceelafweyn , mararka ay roobabka da’aana dadka ay habeen u dhixi jireen balse hadda waxay ku qaadataa 4 ilaa 5 saacadood.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.