Xukumadda Oo Qiimo Go’an U Gaysay Shidaalka

0
67 views
Xukumadda Oo Qiimo Go’an U Gaysay Shidaalka

Xukumadda Oo Qiimo Go’an U Gaysay Shidaalka

Xukumadda Somaliland ayaa qiimo go’an oo lagu iibiyo u goysay ganacsatada shidaalka kadib markii maalmihii u dambeysay kor u kac kedis ah ku yimid qiimaha shidaalka. Xukumadda ayaa qiimihii maalmahan lagu iibinayay Litirka Shidaalka ah ka dhintay Saddex boqol oo shilin(300 Sh SL) sida ka soo baxday kulan ay wada qaateen xukumadda iyo ganacsatada shidaalka.

“Maanta laga bilaabo Naaftada waxa lagu iibin kara todoba kun iyo laba boqol oo shilin Somaliland ah(7200 SLSH) intaas kor uma dhaafi karto, Badroolkuna 8200 SLSH ah kor uma dhaafi karo, halkii maalmahan lagaga iibinayay naaftada 7500 SLSH, Badroolkana 8500 SLSh. way ku mahadsan yihiin ganacsatadu sida fiican ee ay wax noola qaateen,” Sidaas ayuu yidhi wasiirka ganacsiga Somaliland oo ku dhawaaqayay qiimaha loo gooyay in lagu iibiyo litirka Shidaalka ah.

Xukumadda Madaxweyne Muuse ayaa la tacaalaysa sixir bararka curyaamiyay dhaqaalaha bulshada Somaliland iyada oo dhawaan ku dhawaaqday go’aanno loo arko xalka sixir bararka

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here