Xukumadda Oo Doonaysa In Shidaalka Dalka Ka Soo Gala Itoobiya, Jabuuti & Soomaaliya Soo Maro Berbera

0
608 views
Xukumadda Oo Doonaysa In Shidaalka Dalka Ka Soo Gala Itoobiya, Jabuuti & Soomaaliya Soo Maro Berbera

Xukumadda Oo Doonaysa In Shidaalka Dalka Ka Soo Gala Itoobiya, Jabuuti & Soomaaliya Soo Maro Berbera

“Cilmi-Baadhis Badan Baanu Ku Dhaqaaqney, Imika Na Waxa Aanu Ku Tallo Jirnaa In Aanu Siyaasaddaas Gudo-Galno Oo Aanu U Yeedhno Daneeyeyaasha Oo Dhan, Shirkadaha Ka Ganacsada Iyo Laamaha Dawladda Ee Ay Khuseyso.”.

Hargeysa(Sayruuq):-Xukuumadda Somaliland, ayaa wada qorshe siyaasaddeed lagu xakameynaayo sida oo kale na lagu hubinaayo tayada shidaalada kala duwan ee dalka ka soo gala dalalka jaarka la ah Somaliland ee Itoobiya, Jabuuti iyo Somaliya, waxaana arrintaasi muddooyinkii dambe ku hawlnayd wasaaradda Horumarinta Ganacsiga iyo Maal-gashiga ee Somaliland.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Dr.Cismaan Xuseen Warsame oo waraysi gaara siiyey Wargeyska Waaberi, ayaa xaqiijiyey in ay dejiyeen siyaasad ay doonayaan in ay ku maamulaan shidaalka soo galaaya dalka si ay u oggaadaan sida oo kale na u la socdaan cadadka iyo meelaha uu shidaalkaasi ka soo galaayo dalka, waxaana uu tibaaxay in ka dib oggaanshiyaha meelaha ay ay shidaaladdu ka soo galaan dalka ay isku deyi doonaan siddii loo soo hubin lahaa tayada shidaalkaasi isla mar ahaantaana loo soo marin lahaa Laabka lagu baadho tayada shidaalka ee magaalada Berbera.

“Horta waa idinkii oggaa oo shidaal xun baa dalka soo galay beryahii dhaweyd, shirkadda imika Haamasha Shidaalka gacanta ku haysa ee la yidhaahdo Berbera Oil Group(BOG), markaa shirkaddaasi waxa ay sameysay ama jira ba Laab(Sheybaadh) ku ag yaala oo loo sameeyey si uu u maamulo, markaa labaddii shirkaddood ee shidaalka ka shaqeynaayey ee midna ahayd tii ka shaqeynaysay oo ah BOG mid ahayd tii baadheysay labadda ba waanu qasirnay oo maadaama ay labadu ba galeen dembi oo ay shidaal xun keeneen oo dad fara badan ay ku waxyeeloobeen gaadiidkoodii waa la qasiray, qasiraaddii na waa ay bixiyeen, markaa taasi na waxa ay ku timi markii hawshani gaadhay illaa heer Golaha Wasiirada oo dood dheer laga galay, wasaaradda Ganacsigu na ay siyaasadda Shidaal keenista ay sameyso, markaa waxa aanu door bidnay in aanu la kulanney hawl wadeeno fara badan oo ku leh wax keenidda shidaalka ama keena ba, markaa waxa aanu isla qaadanney bal in la sameeyo siyaasaddii Patrolka in aanu sameyno, markaa taas marka la sameynaayo dee Shidaalku keliya kama yimaado Berbera ee waxa sida oo kale uu ka yimaadaa oo uu inaga soo galaa meelo fara badan oo Somaliya ayey qaar inaga ga yimaadaan, Jabuuti buu iyada na inaga soo galaa, qaarna sida wararku sheegayaan Itoobiya ayey inaga ga yimaadaan inkasta oo Kastamyadu aanay weli xaqiiq dhab ah noo soo gudbin, markaa waxa jira horta meelo badan oo aanu ku naawileyno in siyaasaddii la sameeyo, siyaasaddaasi na waxa ay sheegaysaa yaa keeni kara Patrol ka sida oo kale na aanu oggaano cadad ahaan inta uu yahay Patrolka wadanka yimaada oo aanu sameyno sil-siladda keenitaanka oo illaa halka laga keeno, wakhtiga iyo cadadkiisa ba aanu oggaano si aanu markaa ku tallo-gal aanu u sameyno waxa Patrol dalka imanaaya iyo keydka uu noqonaayo iyo waxaas oo dhan. “.Ayuu yidhi Dr.Cismaan Xuseen Warsame

Agaasimaha guud ee Ganacsiga Somaliland oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu sheegay in ay hadda qorsheynayaan in ay u yeedhaan cid kasta oo ay khuseyso arrinta shidaal keenista ee dalka isla mar ahaantaana loo soo bandhigo siyaasadda ay ka wasaarad ahaan u dejiyeen maamulidda shidaalka dalka soo gelaaya, waxaana uu yidhi:

“Markaa horta Cilmi-baadhis badan baynu ku dhaqaaqney, imika na waxa aanu ku tallo jirnaa in aanu siyaasaddaas gudo-galno oo aanu u yeedhno daneeyeyaasha oo dhan, shirkadaha ka ganacsada, laamaha dawladda ee ay khuseyso, cilmiyahanadda ay arrintan ku qoto dheer. Markaa runtii arrintan Balli-gubadle ee aad imika ka dhawaajiseen waa noo kow oo way jiraan dad odhanaaya wax baa la soo geliyaa balse wax aan anagu taaban karno ma jiraan oo inta badan wasaradda Maaliyadda waaxdeeda Kastamada iyo wasaraddayada ayaa inta badan Kastamada jooga, dadku na inta badan Kastamada waxa ay moodaan wasaaradda Maaliyadda uun e’ wax cashuurta laakiin se hada sida aanu ku tallo-jirno in aanu xoojino wixii wada shaqeyn ah oo waa kow oo waxa ay ku qasbanaaneysaa imika in aanu bixino oggolaanshiyo oo marka ay badeecaddu timaado Kastamka in aanu bixino wax la yidhaahdo(Berment) oo macnaheedu yahay oggolaanshiyo deedna wasaaradda Maaliyaddu na kaas bay qaadeysaa oo ay ku goynaysaa cashuurta, inta badana waxa dhacda in khilaaf soo kala dhex-gal, khilaafkaas na aanu meesha ka saarno.”.

Dr.Cismaan Xuseen Warsame, waxa uu ugu dambeynti sheegay in qorshahan siyaasaddeed aanu keli gaar ugu ahayan shidaalka balse sida oo kale na qorshe guud u sameeyeen oggaanshiyaha dhammaan badeecadaha dalka la keenaayo si loo oggaado wadamada bedel ahaan wax looggu dhoofin karo.

“Waxa aanu dooneynaa in aanu dal ahaan bil kasta dakhliga shidaalka ama badeecad kasta ay wasaaradda ku soo ururto deedna aanu sameyno qiimeyntii loo baahnaa oo aanu nidhaahdo badeecaddasi halkay ka timi,dalkay ka timi si markaa inagu na aynu wax bedalkeeda ah aynu dalalkaas ugu dhoofi karno isha Allah, markaa hawshaasi waxa ay ku jirtaa waxa afka qalaad lagu yidhaa Trad Analyses oo macnaheedu yahay in aanu u kuur-galno badeecadaha dalka imanaaya oo shidaalku na waa ka mid walaal.”.  Ayuu yidhi Agaasimaha guud ee wasaaradda Ganacsiga Somaliland.

Source: Wargeyska Waaberi

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.