Xukumadda Oo Beenisay In La Soo Qabanayo Caarre

0
960 views
Xukumadda Oo Beenisay In La Soo Qabanayo Caarre

Xukumadda Oo Beenisay In La Soo Qabanayo Caarre

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) ayaa sheegay in wararka ay bulshada magaalada Ceerigaabo shalay ka mudaharaadeen ahaayeen been abuur. Guddoomiyaha ayaa BBC-da u sheegay in warar been abuur ah dadka lagu kiciyay laakiin, ma bixin wax tafaasiil dheeraad ah.

Mudaharaado shalay ka dhacay magaalada Ceerigaabo waxa ku dhintay hal qof waxaanay dadku dibad baxa kaga soo horjeedeen warar ku saabsan in xukumaddu soo qabanayso Caarre oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Qaranka Somaliland oo dhawaan muuqaal laga duubay isaga soo si cadho leh ula hadlaya saraakiil kale.

Sarkaalkan ayaa la sheegay in uu wararka ku saabsan in xadhig lala damacsan yahay awgood u goostay waxaana mudaharaadada  lagu taageeraya galinkii dambe ee shalay soo gaadheen magaalada Burco oo rabshado kooban ka dhaceen.

Dhacdooyinkan ayaa salka ku haya dagaalka soo noqnoqday ee u dhexeeya beelaha ehelka ah ee wada dega Ceelafweyn, halkaas oo uu hadda joogo wefti xukumadda ka socda oo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed hoggaaminayo.

Muxuu Daaran Yahay Dalabka Dibadbaxayaasha Ceerigaabo?

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.