Xukumadda Oo Ammaantay Hadalkii Dr Cirro

0
881 views
Dr Cirro Oo Luuqad Adag Kaga Hadlay Shirkadda Imaaraadka

Xukumadda Oo Ammaantay Hadalkii Dr Cirro

Hargeysa(Sayruuq) Xukumadda madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku diirsatay mawqifka guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro ka istaagay dagaalka Tukaraq waxaanay ammaantay hadalkiisa ku qotoma in degmada Tukaraq ee lagu dagaallamaya tahay degmo Somaliland ah, islamarkaana Somaliland xaq u leedahay difaaca dhulkeeda iyo gaadhida xuduudaheeda.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Xasan Ismaaciil Yuusuf oo shalay jiida hore ee Tukaraq kula hadlayay ciidamada ayaa soo dhaweeyay mawqifka Dr Cirro istaagay arrintaasi “Maanta marka ay noqoto Qarannimada Somaliland mucaarad iyo muxaafad waa in aanay yeelan mana laha, dadku waa ka midaysan yahay taas. Waxaan aad u soo dhawaynaya hadalo guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ka jeediyay Sweden oo uu aad uga hadlay arrintaas, aad baan u soo dhawaynaya waxaanan rajayna in arrinta guddoomiye Cirro ka dhawaajiyay ay dhammaan qalbiga reer Somaliland oo dhan gasho,” Sidaas ayuu yidhi wasiirka caafimaadku.

Geesta kale badhasaabka gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir ayaa farriin u diray maamulka Garoowe “Halkan dadkii lahaa ba ka arriminaya, ciidankii Qaranka jooga, madaxdii Qaranka joogta, waar Illaahay haddaad taqaanan waa bil Ramadaane guryihiina iyo degaammadiina ku eekaada. Marka horena inaad soo duushaan dabeedna maydkiina ka carartaan oo aanu idiin keeno waa idiin ayaan darro. Waxaanu idin leenahay duullaan ma nihin, dalkayagii ayaanu joogna waxaanu idin leenahay dhiiggiina nagala jooga,” Sidaas ayuu yidhi Badhasaabka Sool.

Weftiga wasiirka caafimaadka Somaliland ayaa agab caafimaad gaadhsiiyay ciidamada Qaranka Somaliland ee jiida hore.

Halkan ka daawo Muuqaalka weftiga wasiirka caafimaadka

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.