Xukumadda Oo Amarro Ka Soo Saartay Colaadda Sool

0
414 views
Xukumadda Oo Amarro Ka Soo Saartay Colaadda Sool

Xukumadda Oo Amarro Ka Soo Saartay Colaadda Sool
Laascaanood(Sayruuq) Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka biyaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, guddoomiyaha golaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax, masuuliyiin kale iyo madaxda gobolka Sool ayaa shalay gaadhay degaannada koonfurta gobolka Sool oo ay dhawaan ku dagaallameen laba beelood.

Weftiga xukumadda Somaliland ee halkaas gaadhay ayaa waxgaradka labada beelood kala hadlay sidii loo joojin lahaa xabad joojin rasmi ah si looga wada hadlo dagaal maalmihii la soo dhaafay dhacay oo khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac ah keenay kadib markii tigniko la isu adeegsaday sida ay sheegeen waxgaradka degaanku.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed ayaa waxgaradka labada beelood u sheegay amarrada xukumadda waxaanu yidhi “Waxaanu u socona in ay dhacdo xabad joojin rasmi ah oo labadiina dhinac midna aanay colaad dambe hurin. Qodobka labaadna maanta laga bilaabo labadiina beelood meel aad wada degtaan iyo meel aad kala degan tihiinba aanu jirin ciidan urursan oo ciidamada aad soo ururiseen reerahoodii iyo danahooda kala qabsadaan, hadda laga bilaabo ciidanka urursan iyo Militarigu way iska hor imanayaan haddii ay iska hor yimaaddaana wixii ka yimaadda idinka qaadaya.

Qodobka kale waxa weeye in dadka xaajo qaadka ah haddii uu caaqil yahay iyo haddii uu cod kar yahay in ay Barri(Maanta) Laascaanood yimaaddan si aanu halkaas ugu wada hadalno,” sidaas ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha.
Wasiirka biyaha mudane Faratoon ayaa isna jeediyay hadal kooban oo hanjabaad ah, kuna goodiyay in tallaabooyin dawladnimo lag.a qaadayo cidda dhib dambe kicisa. Waxa uu sheegay in xukumaddu kaashanayso kaliya ciddii nabad u diyaar ah, islamarkaana aanay jiri dooni suuba-salaax dambe iyo u dhibrin.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax ayaa isna sheegay in uu aamminsan yahay in aanay labada beelood isu qabin ciil laakiin, shaydaan ka dhex shaqeeya, islamarkaana dhibka laga dareemayo labada dhinacba maaddaama ay yihiin dad ehel ah, islamarkaana is dhalay.
Odayaasha degaanka ayaa dhibaatada dhacday ku macneeyay mid si lama filaan ah ku timid, waxaanay muujiyeen in ay nabad u diyaar yihiin.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.