Xuduudaha Caalamiga Ee Somaliland & Xilligii La Calaamadiyay

0
785 views
LAAS CAANOOD SHALAY IYO MAANTA

XUDUUDAHA CAALAMIGA EE SOMALILAND & XILLIGII LA CALAAMADiYAY.

Maqaalkan yar waxan ku xusi doonaa in sha allah Xuduudaha caalamiga ah ee Somaliland la leedahay dalalka jaarka iyo mid akasta xilligii la calamaadiyay,sidoo kale waxan ka eegi doonnaa sdee ayay u arkaan sharciyada Caalamiga ah Sida UN charter iyo African Constitution iyo ugu danbayn soo jeedin ku wajahan Somalia.

Xuduudda Somaliland waxa uu ka koobanyahay  dhulka iyo Jasiiradaha badda hawada iyo Qalfoof qaaradeedka,Bedka dhulka ay dabooshaa wuxuu dhacaa si lamid ah dhulkii maxmiyadda Ingiriisku ilaalin jiray ee British Somaliland protectorate waxanu dhacaa loolka 8’-11’30’ ee Woqo yiga dhul badhaha 42’45-49 ee bariga.

Somaliland waxay woqooyiga xad kala wadaagtaa dhinaca badda Gacanka Cad meed,dhinaca bariga Somalia dhinaca koonfur iyo galbeedna Federalka Ethiop ia,Woqooyi galbeedna Jabuuti.

Marka la eego taariikhda Soohdimahaas soohdinta u dhaxaysa Ethiopia iyo Somaliland waxay ku sallaysantahay Heshiiskii dhex maray Ingriiska iyo Ethiop ia sanadkii 1887kii waxana la calaamad iayay 1932 waxa heshiiskaas hore ee 1887kii dib loogu xaqiijiyay Bixinta dhulka Howd iyo Reserved area 1954kii sida uu dhigayay lifaaqa heshiiskaa hore.

 

Soohdinta u dhaxaysa Somaliland iyo Jabuuti waxa lagu heshiiyaya 1888kii waxana la kala calaamadiyay 1936kii heshiiskaa oo u dhexeeyay Britain iyo France.

Soohdinta u dhaxaysa Somalia iyo Soamaliland waxa ka heshiiyay Labada Gumaysi ee Ingriiska iyo talyaaniga eek ala Xukumayay labada dal 1894kii waxana la kala calaamadsaday 1929kii waxana kala calamaadsaday Guddi ka kooban labada Mustacmar ee Talyaaniga iyo Ingriiska (Anglo-Italian Commiision).

Sidaas iyadoo ay arrintu tahay ayay Somaliland 26kii juun Xornimada kaga qaadatay ingriiska 1960kii waxanay Shuruud la’aan ku biirtay Somalia ka dib dhibaatooyin iyo is afgaranwaa dhex maray Somalia ayay midowgaasi dib u bur buray waxayna Somaliland mar labaad ku soo noqotay halkeedii Dagaal iyo halgan lagu riiqmayh ka dib 1991kii.

Haddaba haddii aynu dib u eegno shuruucda caalamiga marka la eego ama loo Cuskado UN charter Article 2 iyo 4 waxay sugayaan Xuduud kasta oo dowladaha waaweyni kala jeexdeen ayna xaaraan tahay inuu waddan kale ku xad gudbaa xad ama Soohdin lagu heshiiyay oo la kala seexday Xilliyada Gunaysiga.

Sidaas si la mid ah ayuu ku waafaqayaa mabaadii’da guud ee lagu dhisay Ururka Midowga Africa AU xuduudaha uu ka tagay Gumaystayaashii reer Yurub inay sideeda loo aqoonsado sharcinimadeeda waa taas sababta ay Somalia ugu jabtay dagaalkii 1977kii markay ka gudubtay Xadkii Ethiopia iyo Somalia u dhexeeyay oo ay caalamka uga wayday Hiil iyo hoo midna.

Taas macneheedu waxa weeyaan Somali land waxay la mid tahay waxa uu adduunku yahay maaha Gasiirad (Isolated)  Adduunka ka ah Wixii caalamka qabta ayunbaa Somaliland qabta.

Ma aha Xuduuduhu ama Soohdimuhu kuwo kala qaybiya Reer Hebel iyo Reer Hebel ee waxay kala Qaybiyaan Waddamo maha sida dadka qaar u tarjumayaan in dadka walalaha ah  Isaaq iyo Daarood uu xad kala qaybiyaa jiro.

Haddii aan sidaas loo jeexay Xuduudaha loo daynin dabcan dagaallo ayaa ka holci lahaa dhamaan qaaradaha iyo dalalka adduunka waayo ma jiro dad jinsi ama isku abtirsiin (Ethnic ah) oo meel wada degaa waana arrintaas sababta looga fursan waayay in la sharciyeeyo xuduudaha uu ka tagay Gumaysigu.

Qodob kale oo muhiim ah waxa weeyaan Aqoonsigu waa arrin kale ama su’aal kale ee ma khusayso Xuduudda aqoonsi iyo aqoonsi la’aan ayuu Xuduudu sharci tahay.

Tusaale dhow Somaliland iyo Somalia ayaa loo wada hadlayaa iyadoo mid kastaa Xadkeeda loo aqoonsan yahay ma la kala go’ayaa mise waa la midoobayaa iyaduna kuma xidhna.

SOO JEEDIN

Waxan soo jeedin lahaa in Somalia ay Aqoonsato xadka caalamiga ah oo ay ixtiraamto jiritanka xadka u dhexeeya iyaga iyo Somaliland si la mid ah sida ay u aqoonsattay xadka Kenya iyo Somalia u dhexeeya illayn dhulka NFD ee Kenya waxa dega dad Somali ah arrinrtani waxay hoos u dhigi kartaa qalalaasaha Somalia daashaday iyadoo maanta Somalia in dhibaato ugu filani soo gaadhay muddo 30 sano ah iyo ka badan.

Rashiid Odowaa

Khadarsalaan @gmail.com

063-4101213

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here