Xubno Wadani Ah Oo U Dusay Munaasibada Xuska May

0
1,059 views
Xubno Wadani Ah Oo U Dusay Munaasibada Xuska May

Xubno Wadani Ah Oo U Dusay Munaasibada Xuska May

Siyaasiga Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) oo ka mid ah siyaasiyiinta miisaanka leh ee Waddani ayaa ka qayb galay xafladda xuska 18-ka May oo xukumaddu u soo rartay 15 May.

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa qaadacay in 27 guurada Qarannimada Somaliland ee 18 May laga raro maalinteeda waxaanu hore taageerayaashiisa ugu sheegay in xuskoodu yahay 18 May taas oo sabab u ah in hoggaanka xisbigu ka maqnaado munaasibadda.

Sidoo kale waxa madasha ka qayb galay Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo dhawaan laga qaaday xilka xoghayaha Waddani, Prof Faarax Cilmi Geedoole iyo xubno kale oo Waddani kala cadhooday.

Lama oga in xubnahan ka talo goostay xisbiga Waddani ay gacan saar la leeyihiin xukumadda Kulmiye iyo in kale waxaana hore loo sheegay in afhayeenka xisbiga Xildhibaan Ibraahin Mahid Buubaa kulan la qaatay madaxweyne Biixi.

Xubno Wadani Ah Oo U Dusay Munaasibada Xuska MayXubno Wadani Ah Oo U Dusay Munaasibada Xuska May

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.