Xubno U Dhashay Somaliland, Kana Tirsan Baarlamaanka Xamar Oo Ku Hungoobay Dalab Ay Ku Doonayeen In Golahoodu Dib U Dhigo Qaddiyadda Dp World

0
1,109 views

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku gacan saydhay soo jeedin ay soo gudbiyeen shalay qaar ka mid ah xildhibaanada dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo nuxurkiisu ahaa in baarlamaanku dib u dhigo mooshinka ay shalay ansixiyeen ee ka dhanka ahaa heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dhex maray Somaliland, DP world iyo Itoobiya.

Xildhibaanadan asal ahaan ka soo jeeda reer Somaliland oo ay weheliyeen xubno kale oo baarlamaankaas ka tirsan oo iyagu u dhashay Soomaaliya, ayaa waxay dalbadeen in dib-u- dhig lagu sameeyo, lagana  saaro ajendaha  baarlamaanka qaddiyadda DP world, si loo helo war sugan oo ku saabsan arrintan, waxaanay mooshinkan ay ku dalbadeen in laga warsugo dawladda Soomaaliya.

Hase yeeshee, baarlamaanka Soomaaliya ayaan u jeedin saaxiibadooda la mabda’ ah balse u dhashay Somaliland.

Xildhibaanadan oo tiradoodu ahayd 11, ayaa ahaa kuwan hoose ku qoran

Maxamed Cumar Carte Qaalib

Cabdiraxmaan Ibbi

Axmed Maxamud Sheekh(Dhagaweyne)

Maxamed Ibraahi Cabdi (Diyeeshe)

Cali Maxamed Muuse

Aamina Cumar Jaamac

Huda Axmed Cali

Axmed Maxamed Jaamac

Faadumo Ismaaciil Xuseen

Aamina Sheekh Cusmaan’

Faadumo Xasan Cali

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here