Xogo Ku Saabsan Sababta Hargeysa Gaadhi Loogu Afduubay

0
644 views
Xogo Ku Saabsan Sababta Hargeysa Gaadhi Loogu Afduubay

Xogo Ku Saabsan Sababta Hargeysa Gaadhi Loogu Afduubay
Gaadhiga xamuul ah ayaa shalay fiidkii laga afduubay meel u dhaw kaalinta Shidaalka ee Shiraaqle ee ku taala Bariga Magaalada Hargaysa, waxaana afduubay koox Rag ah oo gaadhigu bar-tilmaameed u ahaa, uuna hogaaminayay Naasir Xasan.

Afduubkan gaadhiga ayay sababta ka dambaysay ahayd sida la sheegay khilaaf u dhaxeeyay Shirkada Waddaniga ah ee Oomar iyo hogaamiyaha afduubka hogaaminayay Mudane Naasir taas oo nuxurkeedu ahaa in hogaamiyaha kooxda afduubka gaystay uu shirkadda kaga cawday khasaare uu sheegay inay soo gaadhay gaadhi uu lahaa oo Dekeda Berbera yaalay oo dusha uu kaga dhacay qalab ay leedahay shirkadda Oomaar oo markab laga soo dejinayay isla markaasna gaadhigii halkaas ku burburay. Sida la sheegay, waxaana jiray khilaaf jiitamay oo u dhaxeeyay ninkaas wax dhacay iyo Shirkadda Oomaar, taasina waxay keentay in aakhirkii ninkaasi falkan ku kacay.

Hase yeeshee, Ciidanka Booliska JSL ayaa hawl-gal ay isla xalayba galeen waxay ku soo qabteen Gaadhigii la dhacay iyo gaadhi noaha ah oo kooxda afduubka gaystay wateen meel u dhaw Tuulada Badar-wanaag oo koonfur bari ka xigta Magaalada Hargeysa kana tirsan Gobolka Maroodijeex. Waxa khasaare nafeed ah ma dhicin inkasta oo ay is rasaasayni jirtay sida uu sheegay taliska boolisku, kooxdii falkaas gaysatayna boolisku gacanta kumay dhigin, marka laga reebo gaadhii ay wateen oo ciidanku soo qaabteen.

Bulshada Somaliland ayaa si weyn dhegaha u taagtay markii taliska boolisku ku dhawaaqay in magaalada Hargeysa dablay hubaysan afduub ka gaysatay taas oo dad badan niyadooda ku soo dhacday in falka noocan ah ay dhiiri geliyeen falal dhawaan ka dhacay gobolka Sanaag oo lala xidhiidhiyo jabhadda Kornayl Caarre halkaasi ka wado.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.