“Xoghayuhu Dagaal Buu Xisbiga Ku Soo Qaaday,” Dr Ciro

0
627 views
“Xoghayuhu Dagaal Buu Xisbiga Ku Soo Qaaday,” Dr Ciro

“Xoghayuhu Dagaal Buu Xisbiga Ku Soo Qaaday,” Dr Ciro

Shir ballaadhan oo ay saaka iskugu yimaadeen guddida fulinta ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa waxa ay cod gacan taag ah ku ansaxiyeen in ay xilkii Xoghayenimo ay ka qaadeen Xoghayhii guud ee Xisbigaasi Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, iyaga oo sida oo kalena ku eedeeyey in uu jebiyey shuruucdii iyo xeerarkii u yaalay Xisbigaasi.

Guddoomiyaha xisbiga Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa sheegay in Mr Uurcadde fidno kala dhexdhigayay beelo ka mid ah dalka iyo xisbiga, islamarkaana isku dirayay siyaasiyiinta xisbiga. Waxa uu sheegay in uu ka hor yimid midnimada xisbiga iyo wada jirkiisa, islamarkaana uu galiyay shaki in xisbigu guulaysan doono mustaqbalka.

Dr Cirro ayaa hadalkiisa laga arkayay in uu durayay daacadnimada Uurcadde isaga oo sheegay in uu ka soo horjeestay go’aamo xisbigu gaadhay oo ay ka mid tahay arrimaha Saldhigga Berbera oo Waddani diiday laakiin, uu Uurcadde soo dhaweeyay.

Daawo Kulanka xilka lagaga qaaday Mr Uurcadde

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.