Xoghayaha Waddani Oo La Doortay

0
819 views
Xoghayaha Waddani Oo La Doortay

Xoghayaha Waddani Oo La Doortay

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa Khadar Xuseen Cabdi u doortay xoghayaha guud ee xisbiga kadib markii dhawaan xilka iyo xubinimada laga tuuray Maxamed Cabdillaahi Uurcadde.

Tallaabadan ayaa u muuqata in ay qayb ka tahay dib u habayn lagu samaynayo xisbiga Waddani kadib doorashadii madaxtooyada ee uu guuldarraystay waxaana shirweynaha sida rasmiga ah loogu hirgelinayo dib u habaynta dib loo dhigay muddo sanad ah.

Dhawaan ayaa guddoomiye xigeenka 1-aad ee xisbiga laga dhigay Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ah siyaasi gobolka Sool miisaan ku leh codna ka soo hooyay doorashadii dhawayd.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.