Xog Ku Saabsan Waayihii Ay Isla Soo Mareen Cabdi Ilay & Madaxweynaha Loo Doortay DDSI

0
638 views
Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Somaliland Ammaanay

Xog Ku Saabsan Waayihii Ay Isla Soo Mareen Cabdi Ilay & Madaxweynaha Loo Doortay DDSI
“Nidaamkii Hore Waxa Ku Mushahar Qaadanayay 250,000 Oo Qof, haddii maanta la yidha intii dibadda joogtay aan soo xarayno, inta joogtana laga tago dee intana way idin daba mari uun oo qaylo iyo dhawaaq..Ku Simihii Madaxweynaha DDSI
Addis Ababa(Sayruuq) Guddida Fulinta ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Soomaalida Itoobiya ayaa Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) u doortay Madaxweynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya(DDSI). Doorashada masuulkan cusub ayaa lagu sheegay in ay qayb ka tahay isbedellada ka dhacaya gobolka Soomaalida si xal loogu helo qalalaasaha siyaasadeed ee dhawaan ka bilawday. Xisbiga ayaa dhawaan guddoomiye u doortay Axmed Shide wasiirka warfaafinta Federaalka Itoobiya.
Madaxweynaha cusub ayaa xilka si ku meelgaadh ah u haynaya ilaa sanadka 2020 oo la filayo in doorasho laga qabto dawlad degaanka kadib qalalaasihii xilka lagaga tuuray Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ilay) oo toban sanno ka arriminayay gobolka. Madaxweynaha cusub oo ka soo jeeda Dhagax Buur ayaa mucaaradad adag kala hor tagay nidaamkii Cabdi Ilay.
Axmed Cabdi Maxamed oo muddo kooban ahaa ku simaha madaxweynaha dawlad degaanka ayaa muuqaal toos ah oo uu ka baahiyay shalay galab boggiisa Facebook ku sheegay in xilkii uu hayay ku wareejiyay madaxweynaha la doortay ee Mustafe Cagjar waxaanu bulshada gobolka Soomaalida ugu baaqay in la soo dhaweeyo. Waxa uu sheegay in ujeedadu tahay badbaadinta dawlad degaanka iyo xisbiga oo ku sigtay in ay dumaan gabi ahaanba.
Axmed Cabdi waxa uu sheegay in aanay hore isu aqoon madaxweynaha cusub oo uu sheegay in aanu wax badan ka ogayn wacyiga ka jira gobolka maaddaama uu wakhti badan ka maqna. Waxa uu bulshada ugu baaqay in ay talo fiican iyo soo dhawayn ku qaabilaan kana jiraan wuxuu ugu yeedhay talooyin xun oo la siin jiray Cabdi Ilay oo uu sheegay in ay yihiin wixii karkaarka waydaariyay halistana galiyay gobolka.
Geesta kale madaxweynihii ku simaha ahaa wuxuu sheegay in aanu isbedelka socda ahayn in dadkii ku jiray nidaamkii Cabdi Ilay meesha laga saaro lana soo galiyo dadkii mucaaradka ku ahaa “Waxa laga yaaba in ay jiraan dad walaaladayo ah oo dhinac gaaban wax ka fiirinaya oo odhanaya ‘ Nidaamkii dhammaa meesha ha ka baxo’ waar waxaad ogaatan siistamkan dhan laba boqol iyo konton kun (250,000) oo qof ayaa mushahar ku qaadanaysay oo taageersanayd dawladdii hore, haddii maanta la yidha intii dibadda joogtay aan soo xarayno, inta joogtana laga tago dee intana way idin daba mari uun oo qaylo iyo dhawaaq ayuun bay la fadhiisan meelihii kuwii hore joogeen taasna uma baahnin. Nin dambe oo mucaarad ah in uu inaga baxo uma baahnin,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynihii xilka kala wareegay Cabdi Ilay oo haddana ku wareejinaya madaxweynaha la doortay.

Masuuliyiin Aan Xisbiga Ahayn Oo Hoggaanka La Wareegay

Axmed Cabdi Maxamed wuxuu sheegay in madaxweynaha la doortay aanu ka mid ahayn gabi ahaan hay’addaha xisbiga sidaasna aanu xeerku ku ogolaanayn laakiin, loo arkay in xilka loo dhiibo iyada oo duruufaha la eegayo “ Waxaanu ogaanay in nin dibadda laga keenay loo dhiibi karo madaxweynaha muddada doorashada ka hadhay waanan ku qanacnay cid kasta oo ay ku adkaydna waanu u sharraxnay,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Mustafe Cabdi Maxamed waxaanay tani imanaysa iyada oo dhawaan guddoomiyaha xisbiga laga dhigay Axmed Shide Maxamed oo xisbiga ka tirsanaan jiray laakiin, la rumaysan yahay in aanu saamayn badan ku lahayn.

Wixii Kala Qabsaday Cabdi Ilay iyo Madaxweynaha La Doortay

Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) wuxuu ahaa aqoon yahan u shaqayn jiray hay’addaha caalamiga ah siiba kuwa Qaramada Midoobay waxaanu baraha bulshada ku faafin jiray qoraallo ka dhan ah nidaamkii Cabdi Maxamuud Cumar. Waxa sanadkii hore soo shaac baxday xurguf weyn oo u dhexeysay Mustafe Cagjar iyo Cabdi Ilay kadib markii uu Mustafe sheegay in xukumadda Cabdi Ilay jidh dil iyo bahdil u gaysatay qoyskiisa si ay isaga u aamusiiso, taas oo uu sheegay in markii dambe ay dishay walaalkii inkasta oo taageerayaal xukumaddii Cabdi Ilay u hadli jiray ku doodeen in uu ninkaasi gaadhi iska tuuray oo uu dhanka dhimirka ahaa.
Mustafe oo sanadkii hore la hadlayay VOA-da waxa uu sheegay in si looga hor istaago mucaaradada la xidhay aabbihii iyo walaalkii kadibna gaadhi lagu qaaday taas oo uu sheegay in walaalkii lagu dul jidh dilay kadibna gaadhiga laga tuuray si loogu qanciyo aabbihii in wiilkiisu gaadhiga ka dhacay.
Waxyaabaha uu sheegay in uu ka qori jiray xukumaddii Cabdi Ilay ayaa muujinaya in madaxweyne Mustafe Cagjar aragti togan ka qabo xidhiidhka Oromada iyo Soomaalida “Waxaan qori jiray mawduucyo aqoonaysan tusaale ahaan qof qiiraysan oo leh ‘Oromada ha la laayo’ waxaan odhan jiray Oromada maxaa loo laynaya waa dad masaakiin ah, taariikh baan wadaagna taas ayaana loo arki jiray in aan ka hor imid siyaasadihii la fulinayay,“ Sidaas ayuu sanadkii hore VOA u sheegay Madaxweyne Mustafe taasna waxay u muuqata in uu diidanaya arrinta lagu eedeeyo xukumaddii Cabdi Ilay ee ah in ay abuurtay nacaybka Soomaalida iyo Oromada.

Isbedellada ka socda gobolka Soomaalida Itoobiya ayaa u muuqda mid la doonayo in talada lagaga wareejiyo saaxiibadii Cabdi Ilay, islamarkaana talada loo dhiibo dhiig cusub oo la jaanqaadi kara isbedelka cusub ee Itoobiya oo uu hoggaaminayo ra’isal wasaaraha da’da yar. Isbedellada muuqda waxa ka mid ah in Cabdi Ilay xidhiidh dhaw la lahaa xukumaddii hore ee qoomiyadda Tigraygu ku awoodda badnayd, halka la filayo in wajiyada cusub la dhacsan yihiin siyaasadda qoomiyadda Oromadu ku hoggaaminayso Itoobiya.

Source: Wargeyska Waaberi

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.