Xog Cusub:Dilka Boodhigaadhki Maayarka Berbera Oo Ka Dhashay Dhul Dawladda Hoose Siiyay Oo Muran Dhaliyay.

0
57 views

Berbera(Sayruuq) Mid kamid ah ilaalada Maayarka Berbera oo maanta dil toogasho ah lagu dilay, kaas oo lagu magacaabi jiray Marxuum Cabdi Dheere, ayaa wararka ka soo baxayaa waxay sheegayaan in Dilkiisu ka dhashay dhul ay Marxuumkaas siisay dawladda Hoose ee Magaalada Berbera.

image
Dhulkaas la siiyay ayaa dhaliyay inay ku murmaan dad kale oo iyaguna sheeganaayay, waxayna taasi dhalisay iska hor imaad sababay inuu marxuumkaasi geeriyoodo nin kale oo la socdayna dhaawacmo, waxana sida wax u dhaceen u xaqiijiyay Shabakada wararka ee Somalilandtoday ninkii la socday marxuumka geeriyooday oo lagu magacaabo Cali Jaamac, kaas oo isagu dhaawac fudud uu ka soo gaadhay gacanta.
Dhibaatada ka dhalata dhulka ayaa sannad kasta sababta dhinasho tiro badan iyo khasaare kale oo dhaca guud ahaan Gobolada Somaliland, ilaa haddana xal rasmiya umay helin Xukuumadihii talada dalka soo qabtay.
Sayruuq.com/Berbera/Office.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here