Xisbiga Waddani Oo Xukumadda Eedeeyay

0
122 views

Xisbiga Waddani Oo Xukumadda Eedeeyay

Hargeysa(Sayruuq) Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in siyaasiyiin xukumaddii hore ee Kulmiye iyo ta haddaba ka tirsan ku lug leeyihiin colaadda degmada Ceelafweyn ku soo noqnoqotay ee saldhigi wayday. Afhayeenka xisbiga Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buuba ayaa sheegay in sidoo kale xukumaddu samaysay dayacaad ama masuuliyad darro sababtay dhimasho dad badan ku baxeen islamarkaana ay is waydiin mudan tahay sababta xukumaddu wax uga qaban wayday isu hub urursiga iyo wakhtiga dheer ee dagaalku socday.

Dagaalka shalay beelaha walaalaha ah ku dhexmaray degaanka Dararweyne ee degmada Ceelafweyn waxa la sheegay in ay ku dhinteen 15 qof inka badan 20 qofna ku dhaawacantay laakiin, xaaladda ayaa la soo wariyay in ay maanta degan tahay

 

Xisbiga Waddani Oo Xukumadda Eedeeyay

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.