Xisbiga Waddani oo Eryay Uurcadde

0
740 views
Xisbiga Waddani oo Eryay Uurcadde

Xisbiga Waddani oo Eryay Uurcadde

Hargeysa(Sayruuq) Guddida fulinta ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa eryay xoghayihii guud ee xisbiga Maxamed Cabdillaahi Uurcadde. Fadhi guddidu yeelatay ayaa xilka iyo xubinimadaba lagaga xayuubiyay.

Maalmihii u dambeeyay xoghaye Uurcadde oo aanay cidi wehelin ayaa laba jeer saxaafadda u sheegay warar kala duwan. Warkiisa hore ayaa ahaa in uu aqbalay soo jeedin ah in uu xilka banneeyo, halka uu shalay shirweyne ku dhawaaqay, islamarkaana eedo culus u jeediyay hoggaamiyaha Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro.

Lama oga in khilaafka Waddani ku soo afjarmi doono sidaasi maaddaama uu shalay ku hanjabay mr Uurcadde in uu tagi doono hay’addaha sharciga.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.